BULSHO WAYNTA DEGMADA ARABSIYO OO U QUUS GOYSAY XISBIGA KULMIYE IYO KULMIYE OO SAMRI LA'

crush


Arabsiyo(AW)-Hadalheynta Dadweynaha kunool Gobolka Gabiley ee Xafladii Xisbiga Wadani dhawaan ku qabsadey Magaalada Arabsiyo kuna soo dhaweeyay Siyaasiyiin,Waxgarad iyo Aqoonyahan kusoo biirey Xisbigaasi oo dhamaantood kasoo jeeda Beeshii Mujaahid Marxuum Xasan Yoonis Habane ayaa olole suluxa ah iyo fariin culus u noqotey Wadani kadib markii dadweyne fara badan oo Bulshada ahi xiisa gaar ah u qaadey mawqifkii Mujaahidka iyo halkii uu ka taagnaa kala qoqobka beelaha Isaaq ee Somaliland.
Fursada Xaflada Degmada Arabsiyo uu Ku Qabsadey Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani islamarkaana, uu hadalka ka jeediyay Gudoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),ayaa siweyn usoo jiidatey guud ahaanba qeybo badan oo kamid ah Bulshada Gobolka Gabiley,oo badhkood ka niyad jabsanaayeen Xisbiga Kulmiye,waxaanay sigaar ah ugu sunteen Taariikhdii xalaasha aheyd ee halgankii Iyo xadaarada qadiimiga ah ee shacabka ku dhaqan magaalada arabsiyo.

Mujaahid Marxuum Xasan Yoonis Habane oo ay raad raaceen Siyaasiyiinta Waxgaradka iyo aqoonyahanka ku Biirey Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani.ayaa noqonaysa mid cidkasta oo ku dhaqan deeganada gobolka gabiley xusuusisa  dareeno hoosta ka xidhiidhsan iyo xaqaaqiga jira.
Sikasta oo ay tahey,waxa aad loo hadalhayaa in dad badan oo kale oo kasoo jeeda Gobolka Gabiley ay ku dayan doonaan halka Reer Arabsiyo go,aansadeen ee Xisbiga Wadani taas,oo olole Sulux ah iyo Guluf culus ugu noqoneysa Gobolka Gabiley Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani inkastoo taageerada Xisbiga Wadani ee Gobolka Gabiley aaney aheyn mid la yareysan karo oo dhuxul dambas huwan Tahay    taas oo dhawaan laga ogaan doono wakhtiyada fooda inagu soo haya.


Cabdiraxmaan-hiiraan
Previous Post Next Post