BURCO VS DARAAWIISH


Burco iyo Daraawiish

Halgamaagii waynaa ee Sheekh Bashiir wuxuu ku dhashay xaruntii Daraawiishta ee
Taleex sanadkii 1905-kii. Sh. Bashiir aabihii Sh. Yuussuf Sh. Xasan waxay Sayidka ku
kulmeen magaalada BEER oo 30km dhinaca bari ka xigta Burco dabayaaqadii qarnigii
19aad, waxaanay isla qaateen in la abaabulo xoogag lagula dagaalamo gumaystaha.
Hadaad doonayso in aad ogaato halka dhab ahaan halgankii daraawiishtu ka bilaabmay
- marka laga tago huuhaada IDAAJAA shubo- waa magaalada Burco, Oodwayne, Beer
iyo Buuhoodle.
Sayidku markuu dalka ku soo laabtay wuxuu yimi Berbera isaga oo sita laba fekradood
oo kala ah fidinta dariiqada Saalixiya iyo dagaalka gumaystaha. Lakin Berbera waxaa
xoog ku lahaa dariiqada Qaadiriya, sidaa aawadeed waxba way uga socon waayeen.
Wuxuu markiiba yimi Burco waxaanay si wayn isu fahmeen qoorwayntii reer Burco
waxaanay isla qaateen labadii fekradoodba, Ilaa haddana Burco Saalixiyadu raad wayn
ayey ku leedahay.
Suldaan Nuur, Suudi Shabeelo oo ahaa markii danbe madaxii khusuusiga, Ibrahin Buqul,
Sh Yuusuf Sh. XASAN iyo rag badan oo ahaa hormuudkii bulshada ayaa raacay,
qaarkoodna waabay wada socdeen sida Ina Shixiri iyo Xaaji Suudi Shabeelo oo waxay
iska doo raaceen CADAN. Ragaasi waxay gayn jireen marba masaajid si uu uga
khudbadeeyo oo dadka loogu sheego Saalixiya iyo jihaadka.
Maalin ayàa Beer la geeyey si uu dadka ula hadlo wuxuu Ashahaadii ku daray ' ﻓﻰ ﻛﻞ
ﻟﻤﺤﺔ ﻋﺪﺩ ﺳﻨﻴﻦ nin mar lagu sheego Cabdi Jiir marna Ducale Cilmi ayaa u jawaabay oo
yidhi" laa ilaaha ilalah garanay, maxamadu rasuululaah na garanay laakin Habarjeclo
LAXAMLAXAM TAA danbe way iska soo hubsanaysaa"
Rag lagu qiyaasay konton nin oo hormoodkii bulshada ayaa raacay, inkastoo qaarkood
bid uga gurteen qaar kale na waabay ku dhinteen.
Somalidu way isku dayataa markii la maqlay qoorwayntii reer Burco way raaceen, ayaa
Buuhoodlena si xoodleh loogu diyaar garoobay, halkaas oo cududii ugu badnayd ka
raacday. Waxaanu u sii talaabay Nugaal oo uu dagaalada ka gaalaa bixin jiray.
Markii uu Sayidkii jabay halgankii gumaysi la dirirka waxaa markale xarun u noqotay
Burco.
Bishii February 1922 ayaa dagaal lagu diidan yahay cashuur ta ka dhacay Burco.
dagaalka waxaa lagu dilay DC gii ingriiska ee loo yaqaanay Allen Giib. Archer oo
Somalidu u tagaanay Caarshe oo ahaa gaalkii wakhtigaa xukumayey Somaliland
maalintaa Burco ayuu joogay dirqi ayuuna ku fakaday. Caarshe wuxuu dalbaday
ciidamo dheerada iyo diyaarado, waxaana gebi ahaanba uu gubay Ingriisku magaalada
Burco sanadkii 1922kii. (Waa meeshii labaad ee dhulka Somalida lagu duqeeyo
diyaarado) Waxaanu ku dhaqaaqay aargoosi foolxun oo uu kula kacay isagoo beelihii
Dhinaca Odwayne uu ku xukumay 3000 oo halaad. Laakiin waa la diiday oo waxaa la
raacay Fatwadii Sheekh Muxumed yare oo ahayd magta gaalku waa 33.3 yacnii Muslim
sadex loo qaybiyey meel ahaan. Ingiriikii markale ayuu ka cadhooday quudhsigaa
waxaanu ku qaaday weerar laxaad leh. Weerarkaa waxay iskaga hor yimadeen ciidamo
xoodleh oo uu hogaaminayey XAAJI WARAABE ( XAAJI WARAABE WAA ABAANDUULIHII
DAGAALKII WAYNAA EE LA BAXAY HAGOOGANE)
Muddo ka dib waxaa hawdka Burco lagu dilay gaalkii ay Soomalidu u taqaanay
FEEDHOOLE. Markale waxaa cirka isku shareertay xiisadii waxaana socon jiray dagaal
joogto ah.
1930s waxaa magaalada Burco xarun u ahayd dhaqdhaaqii uu hogaaminayey Xaaji
Faarax Oomaar waxaanay si toos ah isugu xidhnaayeen jaaliyadii reer East Africa.
Igririiska dhaqdhaqaaqaa aad ayuu uga qayliyey maadaa oo uu ahaa mid ay
hogaaminayaan rag ilbax ah oo dibedana xidhiidho la leh.
Isla xiligaa waxaa bilaabmay dagaaladii xoogagii Sheekh Bashiir hogaaminayey oo iyagu
xabad kala horyimi gumaystihii.
1945 ayuu Sh.Bashiir weerar ku soo qaaday magaalada Burco waxaana si xun loo
dhaawacay DC gii Ingiriiska ahaa ee Burco xukumayey, madaxa ayaanay xabadi kaga
dhacday.
Burco waxaa berigaa ku yaalay xerada Ciidamada ingriiska ugu wayn oo la dhisay 1939
waa halka iminka loo yaqaan xerada GAASKA. Sababtuna waxay ahayd maadaama oo
dagaalada badankoodu kaga socdeen dhinaca Bariga in uu difaac uga dhigo. Sh.
BASIIR AHN waxaa lagu qaaday weero culus waana maalintii ay baxday maahmahdii
Cabdi Gucuuse ee ahayd "Sheekh Bashiiroow ismuujinayee intaan layna biyo dhiijin
meesha inaga saar.
Sheekh Bashiir iyo ciidamadiisii markii ay ka baxeen magaaladii Ingiriiskii wuu ka daba
duulay waxaanu soo dilay Mujaahid Sheekh Badhiir iyo rag kale oo ciidankiisii ka mid
ah.
Hadaba sida ay taariikhdu Werisay, dagaaladii daraawiishta waxaa ku le'day Soomali
aad u badan sarkaal ka keliya ee daraawiishtu dishay waa KOOFIL. Halka aan cidiba
tirin karin Somalida ku dhimatay.
Sanadihii 1911-1912-1913 waa sanadihii la baxay Xaaraama-Cume waxaana la sheegay
in dadkii ku noolaa British Protectorate ay dhinteen sadex meelood oo meel. Dadkaasi
waxay u dhinteen Colaad ( col iyo daraawiish), Cuduro iyo macaluul.
Macluumaadkan badankiisa waxaa laga helayaa British library, London.
Reer UK please taariikhda soo daaya oo waxaa VOA iyo BBC da cusub laga shubayo
dhagax inooga dhiga.

Qore Cali Hassan
Previous Post Next Post