Maansha Allaah; Alleylehe, madaxweynuhu talo iyo guubaabo fiican ayuu u jeediyey ummadda, mar haddii uu yidhi; ‘Adeerayaal, ku dedaala cibaadada Ilaahay oo acmaasha khayrka leh badiya.’ Horta hadal intaas ka wanaagsan oo la is yidhaah ma jiro, weliba waa dardaaran madaxweyne, bishii barakaysnayd ee ramadaantuna way ina haysaa, waana in ajarka la badsado oo AKOWNKA Ilaahay wax badan la sii dhigto si aad u manaafacaadsato maalin aad baahi u qabto.
Weger; adeer, horta madaxweynuhu si fiican ayuu u hadlay oo talo iyo dardaaran diini ah ayuu u jeediyey ummadda, waxase looga fadhiyaa inuu rag badan oo golihiisa wasiirrada ah iyo masuuliyiinta dawladiisana kala taliyo xumaanta ay hadh iyo habeen ku foogan yihiin, ninkasta oo xumaan wadana hebel iyo hebel ayaa loo yaqaan, haddii ay yihiin kuwa khamrada fuuqa iyo kooxaha kale ee fusuqa wada.