Arabsiyo(arabsiyoweb)Soomaaalidu Musuqmaasuqa iyo laaluushka.Midkoodna uma haystaan waxwayn,iyadoo loo yaqaano,Magac gaara,kaasoo ah,Hawlfududeeye,Maanta markaad ufiirsato Dagmada Arabsiyood waxka Dhaqan galay Nidaamka Fududeeye oo uu Kow ka yahay gudoomiyaha Dagmada iyo xooghayaha iyo madaxa cashuuraha,kuna Dhaqmo,taasoo meesha ka saaraysa inlagula xisaabtamo,Shaqaalaha aan qaadan kharash ku filan,Markuu masuuliyiintii ugu sareeysay ku caana maalay,Fududayn eraygan oo astaan u ah musuq maasuqa,Laaluushku makala laha Fiqiir iyo Taajir,faqiir dakhligiisu yar yahay,hadii uu kharashkiisu kabadan yahay,inta soo gasha,Si baahidiisa udaboolo,waaku qasban yahay inuu helo ilo kale oo waxkasoo galaan,dhanka kale Maalqabeen aanay umuuqan wuxuu haysto,haduu million haysto,wuxuu umalaynayaa in aanu ku filnayn,markuu waxbadan helaba,Siyaado ayuu rabaa,hadaba golaha deegaanka ee gobolka gabilay,ayaa ay tahay inay rajodii dagmo usoo celiyaan dagmada arabsiyo,oo ay meesha kasaaraan Muumulkan Arabsiyo ee Astaantiisu Noqotay musuqa,kana rajo dhaliyaan sidii ay ugula xisaabtami lahaayeen wax inloo qabto dadwaynaha maadaama oo ay matalaan dadwaynaha reer Arabsiyood,Maadaama oo aad tihiin,ilaaladii danaha guud ee dagmooyinka gobolka gabilay,ee matalayay Shacbigan Masaakiinta ah ee inta cashuurta laga qaato,hadana ay gudaafadii soo gaadhay xaafadaha magaalada oo dhan,idinkoo ku dadaalaya horumarka dagmada,Guntii iyo gabagabadii Laaluushkan ragaadiyay Dagmada arabsiyood ayaa salka ku haya masuuliyiinta uu dhintay damiirkoodii ayna Luntay Awoodoodii ee ku caana baxay fadhiidnimada,iyo boobka Musuqa
Wariye muuse Xuseen xasan