Halqabsi:
Guushaada waa lala jiraa ee gees ha ka ahaanin,
Guri ba’ayna waa cadow ninkii raarta sii korey,
Guddoon dhaceyna waa nacas ninkii gaar u faashadey,
Gobanimona waa quus ninkii gowska dhaafsadey….
Tixo ka mid ah Gabeygii Gud-gude ee Gabyaa M. I. Warsame-Hadraawi- 1990kii.
Farxad iyo reyn reyn ayaa mar kaliya lala isla oogsadey barqadii hore ee maalin Khamiis aheyd ee 23kii July 2015 ka dib markii la maqley go’aan taariikhiya oo MAXKAMADA DASTUURIGA JSL ka gaadhey murankii cakirnaa ee saaxada siyaasada dalkeena. Shan qodob oo luuqada garsoorka ku qoran ayaa ay baahiyeen Garsoorayaasha sare ee Maxkadamada Dastuuriga oo shan mudane ahaa waxaana markaba qaboobey, degay, oo saaloonaadey isla markaana reystey saaxada siyaasada dalka. Taasi waxa ay meesha ka saartey walbahaarkii iyo wel wel xoogan oo ummada la deris ahaa intii muddo aheyd.
Intaa waxaa dheeraa tiirka farrinta gubiyey oo ahaa mid ka mid ah saddexda tiir ee qaranka JSL oo in badan ummada tabeysey markaa xaaladuhu sidatan oo kale u murgaan. Runtii, waa lagu reystey, riyaaqey, laguna farxey sida caaqiibada leh oo garsoorku xal weyn isla markaana dastuuri ah uga gaadhey qadiyad ragaadey una baahneyd xal waara iyo garsoor dhab ah.
Go’aankan waxaa uu soo afmeerey xaalad qalafsan oo 24kii billood ee ugu dambeeyey isa soo taraayey si maalinle ah misna dhaawac iyo waxyeelo xun ku ahaa dowladnimada aynu baleysiney cahdigakan cusub ee Somaliland dib-u-dhalatey. Ummadu waa dhibtoodey, wer wertey, walaacdey, oo rajo xumo ku keliyeysatey muddadatan. Duruuftaas waxaa sababteeda lahaa oo ay ku kooban saareyda saaxada siyaasada oo xeydaabkii loo xidhey si jibo leh, hamuun qabta oo jahawareer huwan uga talaabsadey.
Dhab ahaan, su’aalo muhiim ah ayey inta ummada ka xorta ah jahawareerkan is weydiinayeen xilliyadan oo kale: Maxaa idin kala haga dowlad ahaan? Sharci miyaan dalku ka laheyn lagu kala baxo wakhtiyada doodaha cakiran iyo murugakan oo kale dhacayaan? Maxaa qaldan illeyn waa kan waa qallaase hor leh uu socdo eh? Iyo qaar badan oo kale!
Sidaas oo ay aheyd, intii Somaliland dib-u-dhalatey, maalmaha sidatan oo kale dowladnimada loogu hiiliyey waa tirsan yihiin oo waa qaar ummadu aad ugu riyaaqdo una xasuusato taariikhiyan! Riyaaqaas waxaa uu ka turjumaa himiladii ummadu go’aansatey meel marinteeda muddo dheer oo ay qaadataba kuna guddoonsatey 18kii May 1991kii ee magaalada Burco. Aan idin xasuusiyo maalin sidatan oo kale uu Hogaamiye Marxuum M. I. Cigaal (AHUN) erayo taariikhiya ku yidhi “ jidka dowladnimada loo maraa waa dhib badan yahey dadkeenuna waa samir yar yahey”.Waxaa uu ka hadlayey xaflad xadhiga uu kaga jarey gegida dayaaradaha ee Hargeysa oo la haggajiyey xilli xasarado sokeeye dalka ka socdeen. “Inan yar oo AK 47 sita ayaa dowladniadeena haligi kara oo waxaynu nahey reero isu yimid” waa mahadho kale oo hogaamiye M. I. Cigaal inoo xardhey isaga oo hogo tusaaleynayey shirkii ugu horeeyey oo lagu lafo-gurayey dib-u-dhiska iyo horumarka Somaliland sannadkii 1998kii kana qabsoomey magaalada Hargeysa.
Xaqiiqdu waxaa ay tahey in haldoor badan oo dalkan iyo ummadiisa nafta u hurey ay raad-reeb qiimo leh ay dhaxalreeb uga dhigeen AJASHOODU xaqa aheyd oo Alle la kulan siiyey ka dib. Keliya marka aynu magacyadooda maqalno ayaa aynu si qiiro leh uga sheekeynaa balse hillaadii himiladeena oo horseed inoogu ahaayeen looma hagar bixo meel marinteeda sida la qabtimey mujtamac ahaan muddooyinkan dambe!
Haddaba, sidee haboon in la sameeyo mar walba oo ummad ahaan iyo gaar ahaan kuwa saarka siyaasadu mashquuliyey in ficil ahaan aynu jilno/jilaan oo ay waajib tahey?
Aniga oo aan ku talax-tageyn jawaabta su’aashan in aan ku koobo fikirgeyga shakhsiga ah, haddana waxaa ma huraan ah in aynu qiimeyno hab-dhaqanka iyo ayidaad la’aan xoogan ku saqiirino inta kooban oo sharci aynu dajisaney taas oo aan aaminsanahey in ay ina kala hagi karaan sida maalintan MAXKAMADA DASTUURIGA AH GO’AAMISEY oo kale taas oo u qabsoontey si dowladnimo leh luuqad garsoorna lagu xardhey qoraalkeeda iyo gudbinteeda rasmiga ah! Isla markaa waa in aynu isku duubni ugu hiilinaa arrimaha dowladnimadeena ku waajahan xilliyada daruuriga ah mar kasta oo duruufo yimaadaan iyada oo danta guud meel-marinteeda la hormarinaayo bilowgaba, Waayo, waa mida kaliya ee suurtogalineysa danta gaar ah oo ay uga dhigan tahey xeyndaab nabaadiino oo ku meersan kana illaalinaysa hagardaamo midka gaarka ah, silic iyo saxariir ku yimaada hayaanka himilada aynu hilaadiney. Balse marka arrimahu sidatan loo walaaqo waxaa la filaaba waa burbur, ayaandaro iyo balaayo aan cidna u wanaagsaneyn (Alle inaguma keeno eh).
Gebo-gabadii, maalintan Khamiista aheyd ummada waxay uga dhigneyd maalin lagu suntey oo lagu xardhey si dowladnimo leh. naruuro hor leh, baraarujin dhinacyadii is hayey ama tilmaan loo fidiyey sida sharcigu faraayo, iyo in dhinac walba lagu xakameeyey xeydaabka sharcigu ah ee la gudboon in ficilkeeda rasmiga la yimaadaan. Sidoo kale waxaa ay ka dhigneyd maalin qiimo weyn leh oo tiir weyn oo dowladeena ka mid ah sameeyey meel marin WAAJIBAAD DASTUURI AH OO IN MUDDO AH LA DHOWRAAYEY kaas oo marar badan sidatan oo kale ay arrimuhu u murgeen la isugu maandhaafey xilgudashadiisa Dastuuriga ah.
Aan kusoo afmeero qoraalkeyga tiraabta ciwaanka ku xusan “ waxay aheyd maalin kale oo dowladnimada loo hiiliyey”.
Somaliland Allow dhowr……Allow dhowr……….
Qalinkii: Mustafe Suleymaan Cilmi,