
Islaan magaceeda la yidhaah Jirelean Talley oo loo tixgaliyo inay tahay qofka ugu da’da weyn adduunka oo dhan xilligan nool ayaa 116 jirstay, iyada oo ku sugan magaalada Inkster ee dalka Maraykanka, waxana xafladda dhalashadeeda ka qaybgalay inta badan qoyskeeda.
Haweenaydan duqda ah, ayaa dhalatay sannadkii 1899-kii, waxayna noolayd laba qarni, sidoo kalena waxay goob-joog ahayd iyada oo xilalka ay iska beddelayaan 20 madaxweyne oo kala duwan oo Maraykanka soo maray, waxana hambalyo dhalashadeeda ku aaddan u diray Madaxweyne Barack Obama.
“Khibradaada nololeed iyo durugsanaanta xikamaddaada ayaa calaamad u ah meesha qarankeennu kasoo safray sannadku markuu ahaa 1899-kii,“ ayuu Madaxweyne Obama ku yidhi dhambaal hambalyo ah oo uu u diray haweenayda caalamka ugu da’da weyn.
Haweenaydani ayaa ku dhalatay Gobolka Georgia, 23 May 1899-kii, waxaanay sannadkii 1935 u wareegtay Gobolka Machigan, iyada iyo saygeedii Alfred oo isna dhintay 1988-dii isagoo 95 jir ah.
Talley oo qoysas badan ka tarmeen ayaa loo doortay inay tahay ruuxa adduunka ugu da’da weyn bishii April ee sannadkan 2015; kaddib markii ay magaalada Arkansas ku geeriyootay Gerrude Weaver oo ahayd 116 jir.
Tags
ARIMAHA BULSHADA