
Hargeysa (Arabsiyowar)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ugu baaqay dadweynaha inay sidiisa u gutaan waajibka Ilaahay (SWT) saaray ee la xidhiidha dhinaca cibaadada iyo acmaasha suuban.
Madaxweyne Siilaanyo oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey sannad-guurada 2aad ee ka soo wareegtay aasaaska idaacadda qur’aanka kariimka ah ee Radio Hargeysa maanta, waxa uu yidhi; “Maalinta Khamiista ah waxa inoo bilaabmaysa bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaanan shacbiga reer Somaliland u dirayaa hambalyo meel ay joogaanba, waxaanan ku guubaabinayaa inay waajibka Ilaahay (SWT) ina saaray u gutaan sidiisa, iyadoo aan ku baraarujinayo ilaashadaan cibaadadooda, nabadgelyadooda iyo midnimadoodaba oo aynu ka fogaano wixii Ilaahay inaga reebay iyo wax kastoo shaydaanku jecelyahayba.”
Madaxweynaha Somaliland, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay in idaacadda qur’aanka kariimka ah laba sanno jirsato, isagoo xusay in dadweynaha reer Somaliland ka faa’iidaysteen dhegaysiga qur’aanka.
“Waxa farxad weyn inoo ah in idaacadda qur’aanka kariimka ah ee Radio Hargeysa ay laba sanno jirsatay, idaacadaas oo dadka reer Somaliland u riyaaqeen meel ay joogaanba, kana faa’iidaysteen, waxa kaloo dhammaaday tafsiirka qur’aanka kariimka ah ee ka socday idaacadda qur’aanka kariimka ah, Sheekhii mariyey (waday tafsiirka) iyo inta la socotayba Ilaahay ha siiyo ajarkeeda.
Ilaahay ayaan ugu mahadnaqaynaa nimcadaas, waxaanan mahadnaq gaar ah u dirayaa madaxda iyo hawlwadeennada warfaafinta ee dedaalka muga leh geliyey,” ayuu yidhi madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo hadal ka jeediyey munaasibadaas, ayaa sheegay in wasaaradiisu tahay halka ugu badan ee culimadu ka shaqayso marka laga reebo Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, isagoo xusay in culimo gaadhaya ilaa 20 sheekh ay barnaamijyo kala duwan ka jeediyeen warbaahinta dawladu maamusho, waxaannu tilmaamay in idaacadda qur’aanka kariimka ah faa’iido weyn u leedahay ummadda, si fiicana looga faa’iidaysto.
“Wasaaradda Warfaafintu waa mid ballaadhan, waxaanan isku dayi doonaa in aannu 30 bisha Ramadaan in aannu soo bandhigno kaalinta ay warfaafintu ugu jirto ummadda oo ay taasi muuqan doonto, annagoo barnaamijyo diini ah oo wacyigelin ah, barnaamijyo nabadgelyada khuseeya, barnaamijyo ka hadlaya wada noolaanshaha iyo deganaanshaha oo ka hadlaya kala dambaynta iyo tixgelinta sharciga in aannu soo bandhigi doono, iyadoo barnaamijyadaas qaybaha kala duwan ee warbaahinta dawladdu diyaariyeen oo ay laba biloodba ka shaqaynayeen,” ayuu yidhi wasiir Cukuse.
Waxa kaloo halkas ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo sheegay in furitaanka idaacadda qur’aanka kariimka ee loo sameeyey sannad-guurada labaad ay tahay mid guul u ah diinta islaamka iyo madaxweynaha Somaliland.
“Cibaadada Ilaahay waxa weeye in loo hogaansamo, lana qaato amarkiisa oo laga hadho wixii uu inaga reebay, halka u horaysa ee laga helayaana waa kitaabka Alle, waxaannu Ilaahay inoo sheegay in qur’aanku yahay hannuun dadku ay leeyihiin, markaa haddii Ilaahay ina waafajiyey in aynu barano kitaabka Ilaahay oo waynayno, ajar iyo xasanaad ayey ku leeyihiin oo uu ugu horreeyo madaxweynuhu iyo cidkastoo ka caawisay oo wasaarada warfaafintu ugu horayso oo baahinaysa, ajarka laga helayo idaacadda qur’aankana ajar ayey ku leeyihiin madaxweyaha ilaa cidda ugu hoosaysa ee ka shaqaysa iyo ilaa cidkasta oo ku faraxsan inay dhegaystaan qur’aanka ka baxa idaacadda, iyadoo xaraf kasta oo qur’aanka ah laga helayo ajar,” ayuu yidhi wasiir Sheekh Khaliil.
Sheekh Maxamed Aadan oo ku hadlay afka culimada reer Somaliland, ayaa isna sheegay inuu qirayo in furitaanka idaacadda qur’aanka kariimka ah tahay guul weyn oo uu qaaday madaxweyne Siilaanyo, isagoo xusay in faa’iidooyin badan laga dhaxlay dhegaysiga idaacadaas.
“Haddii aan indhaha la iska tirayn, Xukuumaddu wax badan ayey qabatay, waxaan qiraaya in waxqabadkii ugu weynaa noqonayo idaacadda qur’aanka kariimka ee la laba sanno jirsatay, xaggayaga ilayn culimadii ayaanu nahay oo dhinacaas ayaanu annagu ka eegaynaaye, runtiina waa tallaabo madaxweynuhu adduun iyo aakhiroba uu ku helayo ajar, waana idaacad dadka oo dhan ku xidhan yihiin oo kasbatay,” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan Muxumed, waxaannu intaas ku daray; “Waxan ku soo koobaya Qur’aanka hadda ka baxa Idaacaddu waa shuyuukhdii waaweynayd ee caalamka, dee dhallinyarada aanu hayno ee dalkeenna joogtana in laga duubo oo laga soo daayo way fiicnaan lahayd si ay iyana halkaas u higsadaan, waxa kaloo aan soo jeedinayaa tartanka qur’aanka oo isna 13-bisha bilaabmaya, soconaaya laba maalmood in laga baahiyo.”
Madaxa Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah ee Radio Hargeysa Sheekh Maxamed Shabeel oo isna halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka ay u shaqayso idaacaddu, isagoo xusay inay ka baxaan qur’aanka kariimka ah, tafsiirka qur’aanka iyo eedaanka salaadaha kala duwan, kuwaasoo uu xusay inay yihiin qaar faa’iido u leh ummadda reer Somaliland.