“MAHADHOOYINKA TAARIIKHDA DALKA, IYO DADKA SOO MARAY, WARBIXIN KOOBAN” W/Q-ENG DAA’UUD ABIIB AXMED



Tan iyo markii dib loola soo noqday madax banaanida muddada dheer baadida ku jirtey ee lunsanayd waxa dadkan soo maray taariikho kala duwan oo midba mida kale ka duwan tahay taariikhdana aya qorto had iyo goor iyadoo tii ugu danbeysay ay qaylo dhaanteedi caalamiga  ahayd ee dhinaca saxaafada lagu tiraabayey in waxa la sheego ama la daba socdo si qaawan oo aan la qarsanayn uga soo dhex booday nin yidhi waxaan ahay wasiirka Dekedaha soomaliyada daawaha saaran ee konfureed iyadoo mar walba ay ilawsan yihiin in ay qiraan midho dhalka dalkan iyo dadkan tashaday ee somaliland in ay sii buuxda ugu hambalyeeyaan midho dhalka aan daahasarnayn, Ee Dhinac Walba Leh Haddii ay tahay dhinacii amaanka, dhinacii dawladanimada, iyo baahiyahii Bulsho kasta dawlad ka helilahayd ka heshay,ee marba marka ka danbeeya kor usii kacaya duniduna ay idhaaheeda ka qarsan kari weyday, tii gu danbayaysay ee taariikhda gashayna ay ahayd tan muuqata ee qalinka lagu duugay maal-gashiga sare Caalamiga ah  ee DP WORLD dekeda berbera gaadhsiinayso heer caalami ama ay ku darsamayso dekedaha caalmaka ee waaweyn isla markaana madaxweyne Axmed siilaanyo sida dahabiga ah u asiibay , dhamaan golayaasha qaranka somaliland & xisbiyada qarankuba dhamaan ay isu raaceen fulinteeda.

sidaa daradeed , ishii cawridaay burbur oo bas beel ayaan leenahay hambalyana shacbiga somaliland ayaa usoo dirayaa siday u garteen horumarkooda kalsoonina u siyeen madaxda qaranka.
islamarkaan anigu Eng. Daauud Abiib Ahmed siyaasiga loo siman yahay dhamaan gobolka gabilay in badana jecel horumar dalka & dadka waxaan qarab taaganahay xukumada somaliland & musharaxa madaxweynaha ee xisbul xaakimka kulmiy Mud. Muse biixi Cabdi iyo dhamaan bahweynta, kulmiye oo la filayo murashaxa dhawaan kusoo biiro anigoo aha xildhibaan hore golayaasha degaan qarka uga soo sharaxnaa ahna afhayeenka xisbiga wadani la filaayona in uu dhawaan iska casilo dhamaan xilalkii uu u hayay xisbiga wadani .
Musharaxa Eng. Daauud waxaa kale uu leeyahay dawladaa madhalayska ah ee shacbigeeda ugu sheekaysa had iyo goor hadalada madhalayska ah ee aan meel gaadhsiisnayn ay kala fadhiisato xasidnimada iyo qudhi waaga aan waxba u tarayn caalmkuna ka dharagsan yahay in 80, sanadood ay British Somaliland protectorate ay ahayd dawlad madax- banaan , hadaba wuxu miyaanay aqli lahayn Tvyada ay beenta ka faafinayaaan miyaanay ka waatoobayn oo aan waagu ubaryayan taliskaa maatida layska ah ee moqdishu.

Eng : Daaud Abiib Axmed

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post