Hargeysa(SLT) In mudo ahba iminka waxa awooda Ismaciil Cumar Geelle waxa soo wejahay culeys siyaasadeed oo intiisa badan uga imanaya Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN, halka sameyntii uu gobolka ku lahaa ay wiiqday xurguf u dhexeysa xukuumadiisa iyo dawlada Imaraadka Carabta.
Intii ka danbeysay kolkii uu madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle madaxweynaha ka noqday dalka Jamhuuriyada Jabuuti sanadii 1999kii waxa uu isku dubo ritay koox uu ka soo xushay reerka uu ka soo jeedo ee Ciise khaasatan jufada Mamaasan oo uu awooda dalka Gacanta u geliyay, sidaa waxa lagu sheegay warbixin dheer oo ay daabacday Jariirad dalka France ka soo baxda oo la yiraaahdo The Indian Ocean newsletter.
Qoyska madaxweyne Geelle waxa ay hayaan mansabyo aad muhiim u ah in kasta oo beelaha kale ee taageeraahi qudhoodu ka dhex muuqdaan xilalka sare.
Waana taa ta keentay in uu ku tiirsanaado kadiriintiisa iyo weliba Qoyskiisa si uu dib isugu soo taago tartanka madaxtinimada dalka Jabuuti ee sanada 2016ka.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa adkeyay xiriirka qoyskiisa oo ay si weyn isugu heyso Xaaskiisa Khadra Maxamuud Xeyd, oo u dhaqanta sida madaxweyne ku-xigeen, labadooda Hablood ee Heybado iyo Faadumo Carwo oo ah ganacsato. Isla markaana Haweeneyda Madaxweynaha ayaa si xeeladeysan xil sare ugu diyaarineysa inan ay kala timi guurkeedii kowaad oo la yiraahdo Nagib Cabdulaahi Kaamil, Nagiib ayaa sidoo kale walaashii Nazil gacan ka siinaya ganacsigeeda.
Madaxweyne Geelle ayaa qudhiisa Ganacsi kula jira walaaladiis khaasatan Sacad Omar Geelle oo ah madaxa Dekeda Jabuuti oo ah il dhaqaale oo muhiim u ah dalka iyo madaxtooyadaba, mid ka mida raga ay ilma adeerka yihiin madaxweynaha Jamac Cali Geelle ayaa qudhiisa xejistay xilka madaxtinimada wakaalada korontada Jabuuti oo horaantii aheyd il dhaqaale oo muhiim u aheyd madaxweyne Geelle.
Warbixinta ayaa qeybaheeda kale waxa ay si faahfaahsan uga hadleysaa shakhsiyaadka qoyska madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo sida ay isugu xeereen awoodaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee dalka Jabuuti.
Qeybta beritona waxaanu ku eegi doonaa awoodaha ay marwada madaxweyne Geelle ku leedahay siyaasadaiyo dhaqaalaha dalka Jamhuuriyada Jabuuti ee ha moogaanina.