Hargeysa(ARABSIYOWEB) Warar lagu kalsoonyahay oo ay Saxaafaddu helayso,ayaa xaqiijinaya in Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi uu gabi-ahaanba ka tanaasulay Hankiisii Musharaxnimo ee Kursiga Madaxweyne,taas oo la filayay inuu si rasmi ah iskugu sharaxo marka ay cadaato in aanu Madaxweyne Siilaanyo marlabaad Kursiga Madaxweynenimo ee hadda ka sii dhamaanaya aanu u tartamayn.
Ilaa hadda si cad looma oga sababta keentay in Muuse Biixi oo Loolan adagi uu dhexmaray Madaxweyne Siilanyo,kaas oo ay Xukuumaddu dagaal dhinac walba ah ku qaaday Markii uu ku dhawaaqay Sanadkii hore inuu u Tartamayo Jagadda Madaxtinimo ee Xisbiga KULMIYE Doorashadii la filayay inay Dalka ka dhacdo 26 June,2015-ka,balse cilado kala duwan dib loodu dhigay iyada oo aan ilaa hadda si rasmi ah aanay Dhinacyadu iskugu raacin Wakhtiga Dalka laga qabanayo Doorashadda.waxaana jirtay in Gudoomiye Muuse Biixi sheegay inuu uga tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo inuu markale uu Musharax u Noqdo Xisbiga KULMIYE.
Balse wararka hadda soo ifbaxaya ayaa sheegaya in Ramadaanta ka dib qorshuhu yahay in markale Musharaxa Xisbiga ee shanta sanno ee socota loo Cumaamado Siyaasi kasoo jeedda Beesha Madaxweyne Siilaanyo,iyada oo ay wararku sheegayaan in Qofka ugu dhaw dhaw ee jagadaas loo wadaa yahay Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,waxaanay xogaha aanu helaynaa intaas ku darayaan in Wasiirka Madaxtooyadda oo la olog ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale uu hadda badalay Mawqifkiisii Siyaasadeed iyo Taageeraddii uu u yahay Samaale,waxaana uu is-na u guclaynayaa inuu Hogaanka u qabto Golaha Wakiiladda Cusub ee lasoo dooran doono.
Shaxdan noocan ah,ayaa la sheegayaa inay si weyn uga shaqeeyeen Dad iskugu jira Siyaasiyiin,Ganacsato,Qurbejoog iyo talo-qabeen kasoo jeedda Beesha Barigga Burco,oo ay u cunatami weyday inay Kursiga baneeyaan ka dib markii ay dhamaatay Mudo-xileedkii Madaxweyne Siilaanyo.
Dhinaca beesha uu kasoo jeedo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi,ayaa wararku sheegayaan in lagu qanciyay inay heli doonaan Xilal aan Wasiiro dhaafsanayn iyo Mashaariic kale oo horumarineed,kuwaas oo laga hirgalin doono Deegaamadda ay deganyihiin.waxa la sheegeya in Kulamo Jilbaha labadda dhinac ay isku dhigeen lagaga gacan-sareeyay Beesha Galbeedka Hargaysa,waxaanay Beesha Barriga Burco ku andacoodeen,isla markaanasna ay ugu giidiyeen Beesha Galbeeka Hargaysa in Xilalka Wasiirnimo ee badan ee ay hadda haystaan aanay heli doonin hadii ay Kursiga yimaadaan Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee,dadka Siyaasadda Somaliland ka faaloodda ayaa su’aal galinaya siday uga dhabtahay Muuse Biixi inuu loolan u galo Kursiga Dalka ugu sareeya ee Madaxweynenimo.
ARABSIYOWEB