WAR DEG DEG AH SHIR XASAASIYA OO HADDA UGA SOCDA HOTEL MAANSOOR GARABKII MAHAMED BIIXI+MAXAY KAGA HADLAYAAN?


Hargeysa(CYN)Waxa waqtigan hudheelka Maansoor shir uga socdaa garabkii murashax Maxamed Biixi Yoonis oo isugu jira guddidii Fulinta ee xisbiga KULMIYE qaybo kamid ah  ,kuwaas oo ka wada hadlaaya laba qodob oo xasaasi ah .
labadan qoddob ee ay ka hadlayaan ayaa kala ah sidii dib loogu dhigi lahaa shirka Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ,sidoo kalena waxay ka hadlayaan garabkan Maxamed Biixi arrimaha kaadhadhka Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga oo uu hore ogaysiiska qaadashadooda usoo saaray xoghayaha xisbigaasi Xasan Siciid,kuwaas oo la qaadan doono wixii ka bilaabmay 17 Bishan.
garabkan oo doonaayey inay la hadlaan saxaafada ayaan weli la hadlin,waxaana arrimaahasi soo dhex galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo u sheegay inay arrintaasi dib u dhigaan berrina laga wada hadlo.


shirkan waxa goob joog ka ah oo fadhiya Maxamed Biixi Yoonis,Cabdicasiis Samaale ,Abiib Timacad,Xildhibaan Tanyaale,Xildhibaan Waabeeye iyo xubno kale oo kamida Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye.






Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post