SHIRKII KA SOCDAY GURIGA MADAXWEYNE KUXIGEENKA OO SOO DHAMAADAY +NATIIJO LA'AAN LAGU KALA KACAY


Hargeysa(ARABSIYOWEB)-Waxa goordhawayd Lagu soo gabagabeeyay guriga Madaxweyne Ku xigeenka somaliland mudane Cabdiraxaam Cabdilaahi Ismaciil Saylici
 shir loogaga hadlayay tabashooyin ay soo gudbiyeen saddex musharax oo ka u tartamaya Jagadda musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE .

Madaxweyne Ku xigeenka oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde , Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa kulan kula qaaday guriga madaxweyne Ku xigeenka , Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale , Wasiirka Arrimaha debedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mid ah Musharaxiinta Xisbiga KULMIYE kula tartamaya Guddoomiye Muuse Biixi.

Kulankani oo muddo saacado ah ka socday guriga madaxweyne ku xigeenka somaliland ayaa kusoo dhamaaday is Afgaran waa , Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cadami ayaa u wasiir Samaale iyo Biixi Yoonis kula garnaqdasay in Liiska golaha dhexe ee ay ka cabanayaan uu yahay kii ay hore usoo saartay madaxtooyaddu isla markaasna wasiir Samaale saxeexiisa wax ku lahaa.

Geesta kalenna madaxweyne Ku xigeenka somaliland ayaa dhankiisa sheegay inaan waxba laga bedelayn Wakhtiga shirweynaha Golaha dhexe waxaanna uu sheegay in talo madaxweyne lagu go,aamiyay shirweynaha Xisbiga KULMIYE isla markaasna uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Xisbigu, balse Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu hadalkiisa ku ladhay in la raaco shuruucda iyo xeerarka Xisbiga KULMIYE .

Garabka Isbahaysiga Musharaxiinta Xisbiga KULMIYE ayaa maalintii shalay cabashaddani u gudbiyay madaxweyne ku xigeenka balse arrintani ayaa noqonaysa mid aan waxba ka bedelin tabashaddii saddexdani Musharax.


Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post