Daawo Muuqaal/Akhriso: Xisbiga Kulmiye Qaab Kasta Oo Uu Isku Badalo Iyo Cid Kasta Oo Iska Sharaxda Waxaan Filayaa Cid Muuse Biixi Kaga Xuquuq Badan Oo Aynu Saarnaa Ma Jirto" lataliyaha madaxweynaha ee doorashooyinka mahamed ibrahim Qabo -


Daawo Muuqaal/Akhriso: Xisbiga Kulmiye Qaab Kasta Oo Uu Isku Badalo Iyo Cid Kasta Oo Iska Sharaxda Waxaan Filayaa Cid Muuse Biixi Kaga Xuquuq Badan Oo Aynu Saarnaa Ma Jirto..Qabo

Hargeysa(ARABSIYOWEB):-La taliyaha madaxweynaha somaliland ee arimaha doorashooyinka  Maxamed Ibraahin Aadan(Qabo) ayaa shaaca ka qaaday inuu si buuxda u taageersan yahay musharaxnimada gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Maxamed Ibraahin Aadan(Qabo) oo maanta ka hadlayey munaasibad ay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ugu jira beelaha gobolka Hawd ay taageero ugu muujinayeen muuse Biixi ayaa waxa kale oo uu tilmaamay xaqa uu xisbiga Kulmiye ku leeyahay gudoomiye Muuse.
 Ugu horayn Qabo oo ka hadlaya dhismaha qaranka ayaa yidhi “Shan iyo labaatankii sanadood ee qarankani jirey nin-ba meel ayuu soo gaadh-siinnaayey cid-na lagu canaanan maayo cidbaa wax baylihisay, laakiin xaalada aynnu ku jirno maanta waxaynnu u baahannahay nin khibrad iyo waayo-aragnimo u leh oo innaga talaabiya waxa aynnu hiigsanayno oo uu kow kayahay dadku waxa ay ku mashquullaan Ictiraaf, waxa inna mashquuliyay siyaasadda gudaheenna iyo khilaafka dhexdeenna, waxaad ogtihiin in Boorama guuxayso, Saaxil guuxayso, Buuhoodle waad ogtihiin, inta aynnu ictiraafka doonayno waxa aynnu u baahannahay hogaamiye khibrad leh oo kala yaqaanna oo kala dhig-dhigga oo geed geed iyo tuullo tuullo u yaqaanna, kaasna waxaan filayaa inaanay jirin cid kaga habboon Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.”

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Doorashooyinka Maxamed Ibraahin Qabo waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Shalay ayaannu la kulanay Guddoomiyaha annagoo dhawr iyo labaatan Xubnood ah, malaha hal qof mooyaanne intii kale si fiican ayuu u garannaayey, ugu yarraana soddonkii sanadood ee u dambeeyey gudaha dalka  ayuu ku sugnaa, haddii ay tahay habkii beelaha iyo habkan Dimuquraadiga ah ee aynnu bilownay 2001-dii.”



Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post