Weedhihii Dhexmaray Wasiirada Arimaha Dibada iyo Warshadaha Ee Qasriga Madaxtooyada.
MUDANE MADAXWAYNE XISBIGAN XOOG BADAN BAAD GALISAY ANAGANA LEXECLO AYAA NAGA HAYSA XISBIGII UDUBNA WAXAA BAABIIYAY JUGSOO DHACAY XISBIGA KULMIYENA YAAN KAASI OO KALE INAGA BAABIININ ODAY XUSEEN RODOL, OO USOCDAY GUDOOMIYE MUUSE.
HARGAYSA(Arabsiyoweb) Hirdanka Xisbiga Kulmiye ayaa marba marka ka danbaysa sii adkaanaya iyadoo dhawaan Madaxwayne Siilaanyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku taageeray in uu shiraka golaha dhexe cayimo arintaasi oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Dhanka kale Garabyada ku hirdamaya Murashaxa Xisbiga Kulmiye ayaa midba midka kale sidii uu guul uga gaadhi lahaa ku jiraa qorshaheegii,
Abaabulka iyo shirarka oo socday maalmihii udanbaysay ayaa waxaa caawa laba laba Garab ee kala taageersan Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis ay Iskugu tageen Qasriga Madaxtooyada halka qolo kastaa ay ku doodaysay in iyagu madaxwaynaha la balan sanaayeen iyagoo matalaya Magaca Sacad Muuse halka qolo doonaysay in ay madaxwayanaha ku hanbalyeeyaan arinta uu gudoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi uu talada ugu daba fadhiitay
dhinaca kalena u socotay sidii ay Madaxwayne Siilaanyo ugu cadayn lahaayeen damaca Maxamed Biixi Yoonis iyo in aan musharaxnimada kulmiye cid gaara loo xidhan
Hadaba arinta ayaa caawa madaxtooyada somaliland ka abuurta buuq yo sawaxan
balse waxaa xusid mudan weedhihii dhexmaray Wasiir Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiir Shacayb Maxamed Muuse oo hogaaminayay dhinaca Muuse Biixi Taageersan Kuna guulaystay in uu madaxwayanaha horgeeyo odoyaal kakooban beesha sacad muuse halka maxamed biixi watay jufadiisa hoose.
MAXAMED BIXI YOONIS AYAA SI KULUL WASIIR SHUCAYB UGU SHEGAY INUU KA DHEXBAXO BALANTA ANIGAA LEH
DHINACA KALE WASIIR SHUCAYB AYAA SI ADAGU JAWAABAY WEEDHAHAA MAXAMED BIIXI ISAGOO KU DOODAY IN AY SACAD MUUSE AHAAN KULA KULMAYAAN XAQNA UU U LEEYAHAY
Hadaladan iyo qaar kale ayaa weedho dareen badan abuurtay badkana soo dhigay khilaafka Xisbiga kulmiye oo hada u gudbay xubnaha Golaha Wasiirada.
Sidoo kale waxaa khilaaf iyo muran kadib labada dhinacba usuurtowday qolo kastaa gaar keeda ula kulanto madaxwayne siilaanyo badheedhahoodana u gudbiyaan.
XIGASHO GABILEY MEDAI.COM
Tags
NEWS