Qoraal kooban oo Musharaxa M/weymaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ku faafiyay Bogiisa uu ku leeyahay Facebook, kana hadlay caqabadaha ku xeeran noloshada dadka danyarta ah ee reer Somaliland, muhiimada uu u leeyahay kobcinta dhaqaalaha bulshada iyo Xulashada madaxda. Waxaanu u qornaa sidan:
“Waxaanu rumeysan nahay haddii Somaliland inta ay haysato si fiican loogu maamulo in muddo 10 sanadood ah dalka saboolnimadda lagaga saari karo. Dalkeenu wuxuu leeyahay Xoolo-nool, Macdan, Kheyraad dabiiciya, Bad weyn, iyo Dhul beereed. Haddana dadkeenu ma badna. Inagoo intaas oo dhan leh baa haddana dadkeenii ay saboolnimaddii iyo gaajaddii ku sii badatay oo ay weliba maalinba maalinta ka danbeysa ka sii daraysaa. Danyarta Somaliland waa qayb ganacsi ama shaqo yar la tacaala.Laakiin qaybta ugu badan ee bulshaddu waa kuwa aan dab loo shidin oo ay u dheer tahay Caafimaad darro, Gabow', Shaqo la'aan, Tahriib, iyo hooyo silic u dhamaaday oo lacagtii lagu sii dayn lahaa ilmaheedda tahriibay dadka ka baryeysa, Waxa kale oo jira Hooyo iyo Aabo bil walba ka naxsan lacagta Waxbarashada caruurta, Laydhkii, iyo Biyahii.
Waxa jira dhalinyaro rag iyo dumarba leh oo ka werwersan mustaqbalkoodda oo qaarkood wax barteen, qaarkoodna ka niyad jabeen. Haddaba maxaa sababay? Ummad waxa haga madaxdeedda oo Madaweynahu ugu horeeyo, oo ay soo raacaan Baarlamaankeedda, Waxgaradkeedda, Garsoorkeedda, Xisbiyadeedda iyo Shacabkeedda. Waa inta isku dheelli tirta ee ka ilaalisa Musuqmaasuqa, iyo Maamul xumadda. Horumarka dalku iyo daryeelka dadweynaha waxaa ka masuul ah madaxda. Shacabkuna waxay ka masuul yihiin in ciddii ugu mudan ee shaqadda kartideedda iyo aqoonteedda leh ay qortaan si aanay dhexda farta uga qaniinin mar walba.
Shacabku yaanay sidii hore waxba u dooran doorkan ee waa inay hoos ugu daadagaan, dadkana aanay qabyaalad ku dooran. Doorashadda soo socota shayga ugu muhiimsani Waa dhaqaalaha iyo Daacadnimadda. Waxa soo raacaya Nabadgelyadda, iyo Adeegyadda Bulshadda sida Caafimaadka, Biyaha, iyo Waxbarashadda. Laakiin Dhaqaalaha ayeey wax walba salka ku hayaan maadaama aanad shaqo abuur sameyn karin hadduu dhaqaalahu liito. Caafimaad iyo biyo heli maysid haddii dhaqaalahu inaga xun yahay. Ictiraaf lama raadin karo hadduu dhaqaalahu xun yahay. Nabadgelyaddu khatar bay geli kartaa hadduu dhaqaalahu xun yahay. Tusaale ahaan hadii aad ka soo qaadid in dalku ka dhigan yahay shirkad oo kale shirkadaa oo shacabku wada leeyahiin. Shirkadaadda hadaad qoratid qof aan ku haboonayn hawsha aad u xulatay ama danbi soo galay, ama wax soo dhacay; ma waxaad ka filaysaa in qofkaasi uu noqdo shaqaalle fiican oo horumar kusoo kordhin kara Shirkada. Jawaabtu waa maya.
Madaxda dalkuna waxay ka la mid tahay sidaas ee ha loo eego sida marka shaqooyinka la qoranayo oo kale. Qof walba CV giisa ama taariikhdiisa shaqo, waxbarasho, horumar, iyo nololeed dib ha loogu noqdo”.
Allahayoow wanaaga na garansii.
-