Mareykanka :John Boehner afhayeenka aqalka hoose ee maraykanka ee xisbiga jamhuuriga Oo Is-casilaya



Afhayeenka aqalka hoose ee Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga John Boehner ayaa shaaca ka qaaday inuu xilka iska casili doono dabayaaqada bisha October ee oo soo socota, is-casilaaddiisa ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto muran dabo-dheeraaday oo ka jira aqalka hoose wakiillada.

John Boehner oo laga soo doortay gobolka Ohio oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in markii horaba uu doonayey in xilka afhayeenka uu banneeyo dabo-yaaqada sanadkan, kaddib markii xubno badan oo ay isku xisbiyihiin ay waxbadan isku fahmiwaayeen.
John Boehner ayaa sheegay in shaqadda ugu horaysa ee afhayeenka laga rabo ay tahay illaalinta hay’adda dhammaan la wada jecelyahay ,isagoo sheegay in aysan arrintu isaga khuseyn balse ay tahay mid ku saabsan shacabka iyo hay’adda.
John Boehner ayaa ah wakiilka gobolka Ohio ee dalka Mareykanka tan iyo 1990-kii isagoo culeys badan uu ka soo wajahay xubnaha xag-jirka ah ee xisbiga jamhuuriga oo ay jiraan arrimo badan oo ay isku fahmiwaayeen.

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post