Wassir Mohamed biixi oo madaxtooyadu u xanbaarisay ceebta maga-caabista Morgan

Wasiirka arimaha dibada Mohamed Biixi Yonis oo ay madaxtooyadu ka dalbatay in uu ceebta maga-caabista safiirka Imaaraadka ka dul qaado oo uu isagu sheegto in uu ahaa qofkii magacaabay ayaa warbaahinta la soo fadhiistay amaanta Baashe Morgan iyo in uu isagu u magacaabay safiirka emaaraadka. Dad wixii daawaday aad bay Mohamed Biixi uula yaa been sida uu u qaatay denbi aannu lahayn iyo hadalada ka soo yeedhay oo ay ka mid ahaayeen in uu Baashe Morgan dowladan hortii is yiqiineen. Subxaan … Dowladan ka hor sinaba isumay baran karayn oo laba nin oo da’ ahaan isu dhow maaha. Wuxuu kale oo Mohmaed Biixi sheegay in Baashe haysto shahaadad Masters Degree oo xaqiiqdu tahay waxba kama jiraan halka uu ka haysta Degree ga hore ( First Degree ). Mohamed Biixi waxa sidan u sharaf dhaantay oo uu bulshada kalsooni kaga heli lahaa in maalintii Amina Weris u sheegtay in uu safiir ka emaaraadka ka dhigto Baashe Morgan uu yidhaa la inaga ismici maayo. Mohamed Biixi karaamada la iskagama qaado wax ilaahay kaa kor yeelay ood ka maar mayso. May ahayn in aad madaxtooyada madiidin u ahaato ee ogsonow bulshadu waxaad sheegayso meel fog bay ka garanayaan e. Abdi Mustafe
abmustafe123@gmail.com

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post