Washington, June 13, 2015 (Haatuf) – Wargeyska weyn ee New York Times ayaa todobaadkii hore maqaal dheer ka qoray xawaaladdaha Digital-ka ah ee lacagaha la isugu diro iyadoo la adeegsanayo Computer-ka ama Telefoonada gacanta ee loo yaqaan Smart Phones taas oo wargeysku uu ku tilmaamay farsamo casri ah oo dadka u fududaynaysa gaar ahaan kuwa ku nool dalalka soo koraya inay xawaaladaha lacagta ah isu diraan isla markaana si sahlan u kala helaan marka la barbar dhigo qaabkii hore ee lacagta la dirayo iyadoo Kaash ah la gayn jiray xafiisyada xawaaladaha marka la bixinayana iyadoo Kaash ah laga qaadan jiray xafiisyadaasi.
Wargeysku waxa uu habkan cusub ee xawilaada lacagta ee Digital-ka ah ku tilmaamay mid ka hirgashay aadna u anfacday dalal badan oo dunida ku yaala.
Shirkadaha hadda isticmaalaha nidaamka xawilaada Digital-ka ah waxay shaqadooda ku bilaabeen in dadka xawaaladdaha loo dirayaa ay tagaan xafiisyada ay shirkadahaasi ku leeyihiin meelaha ay dadkaasi ku nool yihiin si ay lacagtii oo naqad (cash) ah uga soo qaataan. Hadda se xataa nidaamkaasi waxa looga sii guurayaa mid ka dhakhsa badan oo lacagta xawaaladu ay ku soo dhacayso telefoonka Mobile-ka ee uu leeyahay qofka loo soo diray laftiisu.
Xawilaadda digital-ka ah ayaa qofka soo dirayaa waxa uu u baahan yahay oo kaliya inuu Internet-ka ka galo adeega shirkadda Xawaaladda oo uu ku qoro lambarka telefoonka qofka lacagta loo dirayo iyo nambarkiisa iyo Password-kiisa dabeetana uu taabto badhanka dirista.
Shirkadaha isticmaala qaabkan casriga ah ee lacagta xawaaladaha ah loo diro waxa uu wargeysku tusaale ahaan usoo qaatay shirkadda WorldRemit taas oo uu sanadkii 2010 magaalada London uu ku aasaasay aqoonyahan ganacsade ah Entrepreneur u dhashay Somaliland oo la yidhaahdo Ismaaciil Axmed.
Sida uu wargeysku sheegay Ismaaciil Axmed waxa uu ku guulaystay inuu helo maalgalin $140 Milyan ah si uu ugu balaadhiyo shirkadiisa taas oo ilaa hadda u suuragalisay in tirada dalalka ay shirkadiisa WorldRemit ay xawaaladaha ka diri karto gaadho 50 dal kuwa ay u diri kartaana 115 dal.
Sida uu wargeysku sheegay cidaha ay WorldRemit maalgalinta ka heshay waxa ka mid ahaa Technology Crossover Ventures oo iyadu bixisay $100 Milyan iyadoo ku xisaabtamaysa qiimaha WorldRemit suuqa ka joogto taas oo lagu qiyaasay lacag u dhiganta $500 Milyan.
Technology Crossover Ventures ayaa waxa ay ka mid ahayd shirkadihii u horeeyey ee ku dhiiraday inay maalgashadaan Facebook iyo Spotify intii ay bilawga ahaayeen ee aanay cirka marin.
Technology Crossover Ventures ayaa waxa ay ku takhasustay inay maalgashato mashaariicda cusub ee adeegsata farsamooyinka cilmiga Technology-yada siduu Ismaaciil sheegay macaamiisha bil kasta isticmaala adeegan xawilaada digital-ka ah ee shirkadoodu hirgalisay oo tiradooda lagu qiyaasay boqolaal kun ayaa hadana waxay marba marka ka sii dambaysa u digo roganayaan xawilaada ay lacagtu Mobile-ka ku soo dhacayso iyadoo marka la isu geeyo tirada dhamaan xawaaladaha noocaasi ah ee Mobile-ka la isugu diro ee dunida ka dhacda ay 20% soo maraan Xawaaladda WorldRemit.
Markii xawaaladahan Digtital-ka ahi ay hawshooda bilaabeen dadka lacagta loo diraa waxay ku qaadan jireen iyadoo Noodh ah (cash). Laakiin hadda saddex daloolow meel uunbaa habkaasi wali isticmaala iyadoo inta kale u digo rogteen xawilaada ay lacagtu ku dhacayso ama lagu shubayo qofka loo dirayo Mobile-kiisa.
Habkan cusub ee Digtital-ka ah ayaa qofka Xaawalada loo soo diray waxa ku soo dhacay Message fariin ah oo ama loogu sheegayo inuu yimaado xafiiska uu lacagta ka qaadanayo ama lagu ogaysiinayo in lacagtii xawaalada loogu shubay xisaabta Mobile-ka uu haysto.
Xawaaladda Digital-ka ah waxa ay diristeedu qaadanaysaa qadar daqiiqado ah qofka lacagta diraya isagoo adeegsanaya Computer ama Smart Phone Mobile ayuu Internet-ka ka galayaa barta ay shirkadda xawaaladu ku leedahay ee ay ugu adeegto macaamiisheeda taas oo online ah iyadoo qofka lacagta dirayaa uu bartaasi ku qorayo cida uu lacagta u dirayo kuna xusayo tafaasiisha xisaabta uu baanka ku leeyahay iyo badhankii dirista xawaalada oo uu gujiyo.
Siduu wargeysku sheegay nidaamkan cusub ee Digitalka ah ayaa marka xagga amaanka iyo dabagalka laga eego waxa laga helayaa oo uu ka tagayaa raad loo raaci karo xawaaladd kasta oo soo martay.
Ismaaciil Axmed Ayaa waxa uu wargeyska New York Times u sheegay inuu muddo dheer ku hamiyayay hirgalinta nidaamkan xawilaadda Digital-ka ah waxaanu yidhi hadda “Waxaanu doonaynaa in dadku lacagta xawilaada ah u diran karaan siday u dirtaan fariimaha text message-ka ah isugu diraan oo kale”.
Xarunta WorldRemit waxa ay ku taalaa galbeedka London waxaana ka shaqeeya 160 qof. Inkastoo aanay xawaaladda WorldRemit wali gaadhin heer ay macaash (profit) ku samayso hadana wargeysku wuxuu tilmaamay inay tahay sharikad mustaqbal leh.