arabsiyo(Arabsiyoweb)Waxa Maalmahan ka taagan Magaalada arabsiyo Biyo la aantii ugu darnayd abid ee soomarta,taasoo ay kuyuu ugaleen dadwaynaha reer Arabsiyood sidii ay biyo uheli lahaayeen,iyadoo ay magaalada arabsiyood Dhexdeeda uu ka qodan yahay Ceel Riiga kaasoo Marka ay Biyoolayaashu quustaan ay kasoo dhaamiyaan,kaas oo uu leeyahay Ganacsade Cali carab Obsiiye,oo ah Ganacsade kashaqeeya horumarka magaaladiisa,isagoo ka damqaday Dhibka ay leedahay Biyo la'aantu,iyadoo ay taasi jirto ayaa waxa maantana Dhacday Dhacdo layaable taasoo lagaga horjoogsaday inuu Maskiidadii magaalada oo uu ku tabarucayay,loo diido oo layidhaa Magalin kartid ee halkan anagaa ka talina,Cida Sidaa lina ay tahay Gudoomiye xaaladiisu tahay Dibusocodnimo,kuna Caanbaxay waxqabad la'aan,iyo inaanay Cidiba kala xisaabtamin Xilka uu Umada uhayo umada reer Arabsiyood,waxa taas Dheer Gudoomiyhayn ay Xaaladiisu Noocan tahay ayaan Fadhiisan Xafiiskiisa,Isagoo ka door biday inuu Meelahaa Kaga mashquulo shaqadiisa,Dhacdadan Maanta ayaa sobobi gaadhay inuu kacdoon ka dhasho,kacdoonkaasoo daarnaa Biyaha uu muwaadinkaasi ugu tabarucayay Masaajidada Magaalada oo aan Gabi ahaanba lahayn waxbiyo ah,Sobota loo Horjoosaday oo ay dadwaynu ku micneeyeen inuu doonayay Sidii ay u xidhmi lahaa yeen Miskiidadu waa siday hadalka u dhigeene,Guntii iyo gabagabdii Buuqan uu samaynayo gudoomiyahan aakhiro kusii wada dagmadii arabsiyo ee hodanka ahayd,hadaad maanta dhex marto,aanay jirin wado la maro,adigoo caafimaadkaaga uga Baqaya Xashiishka buuxdhaafiyay wadoo yinka magaalada kuwaasoo ay ka naxayso cida ku cusubi isna waydiiso maanu maamulka jrin magaalada.maxaa Sidan ugalay,gawaadhida ay suuqa Dhexdiisa galaysa Sidii dooxa oo kale
Wariye Muuse xusseen xasan
Tags
ARIMAHA BULSHADA