Shirqoolkii Lagu Daldalay Maxamuud Xusseen Mataan Bishii Setember Saddexdeedii 1952 Xabsi Ku Yaalay Boqortooyada Biritan Gaar ahaan Gobalka Wales Caasimadeeda Magaalad Kaardif(Cardif) Qaybtii 3aad
Gacanka Cadmeed waxa uu ahaa mid xilliyo dheer oo fog aay isku meel haaysteen quwadihii reer yurub ee markaas jirey iyo Boqortooyadii Turkiga ee la odhan jirey Cutmaaniyiinta (Othman Empire). Quwadahaa reer Yurub ama Orooba ee xilligaa uu hirdanku ka dhaxiiyey lagu kala baratamayey in lagu hantiyo gacanka Cadmeed , marinka Hormoos iyo Badweynta Hindiyaan Owshanka (Indian Ocean) waxa aay ahaayeen quwadii Boortaqiiska (Portuguse) oo qarnigii 12aad xoog weyn ku lahaayd horumarka maraakiibta waaweyn ee badaha waaweyn dhex jibaaxa kuwas oo aay xoog ku muquunin jireen in dalalka yar yar oo xilligaas boqoro- itaal darani aay ka jireen in aay xidhiidh ganacsi oo qasaba aay ka samaaystaan badahoogana aay ka dhigtaan saldhigyo miletari oo aay kaga duulaan meelaha kale ee aay danahooga dhaqaale ka dareemaan in aay carqaladaaynayaan.
Bortaqiisku (Portugal) cadan waxa uu qabsaday muddo lagu qiyaaso ilaa qarnihii 13aad xilligaasi oo aay xoog weyn ku lahaayd saldhigyadeeda marinka badweynta Hindiya iyo weliba iyadoo haaysatey dhulk weynihii loo yaqaanay hindeya oo aay qabsatey qarniyanigii 13aad oo aay haaysatey ilaa qarnigii 17 aad oo ahaa xilliyadii quwadaha reer yurub ee awooda badeed lahaa in aay kor qaadaan dagaaladii loo ya qaaney sida kii la odhan jirey Obiyan (The Opium War) ee aay Boqortooyada Ingiriisku ku qaaday dalka Shiinaha sanadadii 1557 ilaa 1856 dagaalkasi mukhaadaraadku ee loo yaqaanay Obiyaan (Opuim War) waxa uu ahaa dagaal lagu qaysbaayey in aay dadyoowgu Shiinihu aay qasab ku iibsadaan Badeecadii Haafyuunta, mukhaadaraadka loo yaqan ( opium) ee aay maraakiibta reer yurub aay Shiinaha u iibkeeni jireen, taasi waa arin taariikhiya ama mooduuc kale ah oo u baahan in qormooyinkale lagaga waramo oo aan imika halkan idiinku soo tabin karin balse waxaan dib uugu Noqonayaa Gacankii Cadmeed iyo hirdankii Boqortooyada Tukrigu aay kaga qabsataey Boqortooyadii Boortaqiiska markuu sanadku ahaa 1548 kii.
Sanadku marku ahaa 1538 kii ayaay Boqortooyadii Turkiga ee Cusmaaniyiintu aay weerar ku qaaday magaalada Cadan iyo Ciidankii Boqortooyadii Bortaqiiska (Portogusee Empire Navy Base) ee Fadhiyey saldhigii ciidan ee aay boqortooyada Bortoqiisku ku lahaayeen Dekada magaalada Cadmeed ee ku taalay Gacanka Bada Cas. Weerarkaas uu Turkigu kaga qabsaday magaalada Cadan Boortaqiiska markuu sanadku ahaa 1538 kii waxaa hogaaminayey ciidamada Turkiga Abaanduulihii xeeladaha dagaalka looga hadhay qarnigaa 16aad hada waa Abanduulihii la odhan jirey Xaadim Suleebaan Baashe(Hadim Sulieman Pasha).
Ujeedada uu turkigi kalahaa qabsashada xeebta magaalada Cadmeed ayaa ahaayd in aay Boqortooyada Cusmaaninyiintu ee Turkigu aay ka hesho Saldhig gacanka cadmeed aay ciidamadeedu ka weeraraan ciidamada Boortaqiiska maraakiibteeda ku socoto xeebaha Hindiya oo aay bad-xidhan kaga ridaan safaradooda badda ee markaas ku sii jeeda xeebahaas.
.Balse Boqortooyadii Cusmaaninyiintu ciidamadeedii uu hogaaminayey Abaanduulahii caanka ahee ee Xadiim Sulieman Baashe iyo ciidamadiisii kumay sii waarin qabsashadii aay cadan ka qabsadeen Boqortooyadii Boortaqiiska ee aay dagaalka kaga adkaadeen markuu sanadku ahaa 1538 kii. Suaashuse waxa aay tahay maxaa sobobay ciidamadii uu hogaaminayey Xadiim Sulieman Baashe in aay ku guulaaysan waayaan gacanku haaynta xeebta cadmeed ee keenay in aay isla sanadkaas uun bishii setember 1538 kii aay mar labaad gacanta aay u gasho magaaladii cadmeed ama xeebtii Cadmeed Ciidamadii Boortaqiiska!!
Sobabta uugu weyn arintaas ayaa aay taariikhyahanadu (Chronicles) ku sobobeeyaan in aay tahay markii uu Xadiim Sulieman Baasha uu kaga adkaaday isaga iyo ciidamadiisii duulaankii dagaal ee uu ku qaaday Ciidamadii Boortaqiiska ee halkaas fadhiyey ee aay ka qabsadeen ciidamadii Boortaqiiska magaalada cadmeed in aay dadkii shicibka ahaa ee reer cadmeed aay ku gadoodeen kalana hortegaan dagaal Ciidamadii Boqortooyadii Cutmaaninyiinta ee uu hogaaminaaye Xadiim Sulieman Baashe. Markii aay ku gadoodeen shacabkii reer cadmeed ciidamadii Xadiim Sulieman Baashe ee aay dagaal kala hortageen cadana ka eryadeen isla sanadkaas bishii October 1538 kii waxa aay shacabkii reer Cadmeed dib uugu soo casuumeen xeebtii cadmeed ciidamadii Boortaqiiska ee laga adkaaday.
Xadiim Sulieman Baashe duulaadkiisa mileteri markii hore kamuu bilaabin magaalada xeebta cadmeed balse waxaa uu kaga soo guulaaystey oo uu ka qabsaday Ciidamadii Boqortooyada Boortaqiiska xeebaha ku yaala waqooyiga yemen sida xeebta magaalada Xudaayda,,Khookha, Mukha, Dubaab,Caaro iyo kuwo kale oo badan balse magaalada xeebta ah ayuu kala kulmay gadoodkaas aay shacabka cadmeed aay uugu hiilinayeen Boortaqiiska.
Boqortooyadii Turkige ee Cusmaaniyiintu intaas kagamay samrin oo kamaay niyad jabin in aay duulaan ku qabsato saldhigii cadmeed ee fadhiga u ahaa Boortaqiiska. Sanadku markuu ahaa 1548 kii waxa aay boqortooyadii cismaaniyiintu ku soo qaaday ciidamadii Boortaqiiska ee fadhiyey saldhiga Cadmeed duulaan aad u balaadhan oo aay boqortooyadii Cismaaniyiintu isku soo diyaarinayeen muddo toban sano ah, duulaankaas aay soo qaadeen Ciidamadii Boqortooyadii Cismaaninyiintu ee Trkigu ayaa ahaa mid ciidan iyo mid saaanadba markaad dhinac kasta ka miisaanto mid si farshaxan mileterinimo laayskugu soo daba riday waxaa na Abaanduule ahaa Janan aad loogu diirsan jirey guulo badan oo uu dagaalo hore ka soo hooyey, Abaanduulahaasna waxaa la odhan jirey Biiri Rays Baasha ama(Piri Reis Pasha). Abaanduulahaasi iyo ciidamadiisu waxa aay gabi ahaanba qabsadeen Dhulkii Yemen iyo Cumaan ilaa marinka Hormoos markuu sanadku ahaa 1548 kii.
Taasi waxa aay ahaayd taariikhdii aan ku iftiiminaayey magaalada Cadmeed iyo guud ahaan dalka maanta loo yaqaan jamuuriyada isku taga ah ee labada Yemenood kuwaas oo midoobey 1990 kii. Waxa aan imika dib uugu soo noqonayaa qisadii lagu shirqoolay Maxamuud Xusseen Mataan alle yarxam marxuunkaas oo lagu daldalay jeelkuyeela magaalada Cardif ee Gobolka Wales dalka Boqortooyada Ingiriiska markuu sanadku ahaa sept 3rd 1952 saddex iy lixdan sanadood muddo lagu qiyaaso ayaa imika dilkaasi marxuunka lagu daldalay ka soo wareegtey.
anigoo markii hore ka soo sheekeeyay barbaarkii sii hore iyo in uu ku dhashay dhaqankii reer guuraanimo ee aay dadka soomaalidu ku soo barbaareen ayaan jecel ahay in aan marka hore ku biloobo markii uu cadan u raadsadey in uu shaqo ka raadsado maraakiibtii reer yurub ee markaas iskaga kala gooshi jirtey Yurub iyo qaaradaha aduunka ee kale.
Maxamuud Xusseen Mataan markii uu ka degay Dekada Cadmeed ee ku taal suuqa weyn ee Tawaahed Square ayaa waxa uu markii uu ka soo baxay jawaasaadkii ee loogu dhuftey baasaaboorkisii in uu magaaladii cadmeed galo uu ridkii weynaa ee xaga magaalada looga baxayey kulo kulmay Tagaasi badan oo safan jidka.
Tagaasidaas dhamaantood wadayaashu waa soomaali, Hindi marka laga reebo waxoogaa yar oo Carbeed maahee. Dirawaladii soomaalida ahaayd ee tagaasida wadey waxa uu ka gartay dhalin yar badan oo aay qaraabo ahaayeen aadna aay yaraantoodii iskugu fiicnaayeen. Waxaanay Maxamuud Xussen Mataan u sii gelbiyeen xaafada Macala Tawaahid oo aay dhalin yartaasi daganaayeen si uu Maxamuud Xusseen Mataan uugu soo nafiso ilayn waxa uu ka soo galey safar dheer oo habeen iyo maalin bad la soo socdee.
La Soco Qormooyinka Dambe
Khadar Jaambiir Cige
HABAYNTII WARIYE MUUSE XUSEEN XASAN
Tags
ARIMAHA BULSHADA