Xaqa waalidku ku leeyahay ilmihiisa oo diinta islaamku aad uga hadashay ayaa kolay ah wax laga wada dheregsan yahay guud ahaan, waxaana dhaqankeena bulsho ahaa mid kusoo caanbaxay daryeelka guud ee waalidka, halka shucuubta caalamku taas ku kala duwan tahay.
Isbedelka xiliyada iyo koboca tafiirta ee la jaanqaadaysa ka guurka degaan ilaa degaan waxa uu wataa waayo ku cusub dadka iyo degeenkaba, markasta oo qoom rogmadoba qoombaa kaca waxaanad arkaysaa isagoo ilmihii shalay ah aabaha maanta,….haa waa run waayo waxaaba jirta inuu abihii shalay yahay awawga maanta.
Intaas hadaan ka gudbo aan u galo qormadeenan caafimaad ujeedada gaarka ah ee ay leedahay taasi oo ah waa Maxay daryeelka habboon ee caafimaad ee ay u baahan yihiin dadka da,da wayn ee cimrigoodu kasareeyo 50 sanno? .
Jawaabtu waxa weeyi iyadoo cid kastaa u baahan tahay daryeel ayaa hadana tan waalidka da,da wayni tahay mid gaar ah, waxaana dhaqaatiirtu isku raacsan yihiin in sida uu ilmaha shan sanno kayari ugu baahan yahay daryeel joogto ah oo gaar ah isna qofka ka wayn 50 sanno ugu baahan yahay daryeel gaar ah, waxaana daryeelka koobaad ee dadka waawayn ugu muhiimsani yahay sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo gaar ah isla markaana joogto ah.
Mawduucan caafimaad ee aan maanta ka hadlaynaa sida uu muhiim u yahay waxaa ku tusinaya marka aad ogaato baahida uu uqabo qofka wayni daryeel caafimaad oo joogto ah,xattaa hadii aanu qabin wax xanuun ah oo markaasi ku mudan, hadii aan kuu qodobeeyo sababaha ay taasi ka dhalatay waxaan kasoo qaadan karnaa kuwan, marka horena ogow waxa aan u dooranay da,da ku salaysan 50 sanno ee aan 60 sanno jir u dooran waynay waa marxalad aan rabno in laga hor tago inta aanay bilaabmin xili aan qofka waxba loo qaban karin.
- qofka wayn ee da,diisu dhaaftay kanton sano waa hawl gab aan qaban karin wixii shaqo ah ee xoog u baahan sidaas darteed waxaa uu u baahan yahay nasasho ku salaysan inuu kala badh qabto wixii shaqo ah ee uu markuu xooga ahaa qaban jiray isla markaana waa inuu libin laabo jadwalkiisii nasashada
- cunista iyo cabista qofka wayni waxay u baahan tahay qiyaas iyo nidaam gooni ah oo ka gedisan cuntooyinkii markii hore uu isticmaali jiray waayo waxay ilkaha diciifay kutusiyaan in calooshuna sidoo kale diciiftay oo aanay qaadi karin waxa qofka da,da yari qaadi karo sidaa darteed waa in qofka wayn loo ilaaliyo cuntooyin dheeli tiran oo cid aqoon arrintaas u lihi xadiday kana talo bixisay qof iyo awoodiis .
- difaaca jidhka oo marka uu qofku gaboobo hoos u dhaca ayaa ah tan muhiimiyada loo siiyo in la ilaasho caafimaadka hore ee qofku uu haysto waayo wixii xanuun ah ee meesha kasaara caafimaadku waxaa qofka wayn ku adkaata inuu si dhaqso ah usoo ceshodo caafimaad qabkiisii, markaa waa inuu hadii uu qofku xataa caafimaad qabo si joogto ah ula xidhiidho dhaqtar usbuucii mar ama laba jeer si uu baadhis iyo ka war hayn joogto ah umaro, waxaana taasi ay dadka waawayn ka caawisaa xanuuno badan oo laga hor tagi karo balse ay bogsiintoodu adagtahay
- marka aad u fiirsato dada da,doodu ka wayn tahay konton sano waxaad badankooda ku arkaysaa inuu ka cabanayo xanuun ama dhawr xanuun, khaasatan xanuunada caloosha ama dhiiga ama xididada, ama indhaha, iyo madaxa.
- inkastoo raga iyo dumarku ay kala xanuun badanyihiin farqi aan sidaa usii waynayna uu jiro oo badanka ay bukaan dumarku hadana way dhici kartaa in la yidhaa raga waawayn ayaa cudur badan marka loo eego dumarka, iyada oo uu qof kastaa u baahan yahay daryeel caafimaad oo ka horeeya marka aanu dhul dhicin waayo hadii uu mar waalidku usoo jiifsado xanuun waxaa kusoo booda xanuuno kale oo kusoo eegta jiifka iyo nugalka jidhkiisa iyo awoodiisa
- xanuunada ku dhaca dhiiga iyo wareegyadiisa waxay had iyo jeer ku badan yihiin raga da,doodu wayn tahay, taasi marka ay dhaqaatiirtu u fiirsatayna waxa ay ogaadeen in ay jirto meel kamid ah meelaha xanuunadani kasoo jeedaan oo ah daryeel la,aanta nolosha caafimaad ee qofka wayn, sida iyadoo la arko nasasho la,aan ay ugu horayso hurdo la,aan ama isticmaalka balwadaha kala duwan ee uu ugu khattarsan yahay cabista sigaarka ama khamriga i.w.m
- dhiig karka iyo faalijka iyo xididada ku furma madaxa,ama sidoo kale wadno xanuunku dhamaan waxay kasoo jeedaan dabeecada qofka oo xoog uga kacday hoosta sida xanaaqa iyo wixii soo raaca, markaas tanina waa mid aanu qofka da,da wayni iska xajin karin, had iyo jeerna looga baahan yahay inuu iska dhawro.
- habka dhaqan ee uu u noolaanayo qofka wayni waa in ay ahaato mid la jaan qaada ehelkiisa iyo qaraabadiisa ay ka dhaxayso noloshu waana qodob mihiim ah oo loo cuskado daryeelka caafimaad ee qofka wayn sabtoo ah waxaa qoys kasta looga baahan yahay inay ka ilaashaan wixii ay ku dhib mudanayso nafta iyo jidhka qofka wayn ee lagaba yaabo in da,diisa xiligan soo gaadhay aanay ogolayn shanqadh iyo la muran.
- cabashada badan iyo taaha ay sameeyaan dadka gaboobay waa mid dabiici ku ah noloshooda ee ha la yaabin hadii aanad wali adigu gaadhin, ku dadaal wixii macquul ah ee aad ka fulin karto doonista waalidka xattaa isagoon xanuun qabin hadii uu cawdo gee dhaqtar
- xanuunada ku dhaca maskaxda ee dadka waawayni waa kuwo aad moodo inay inagusoo kordhayaan intan danbe waxaana had iyo jeer loo aaneeyaa oo u sabab ah waxyaabo ay kamid yihiin nafaqo darro,dhayalsi caafimaad,si xun ula dhaqanka nololeed ee bulshada, isku sii eega shaqooyinka adag,duruufaha dhaqaale ee jira, iyo runtii wadankeena oo aanay ka jirin goobo daryeel caafimaad oo u khaas ah dadka waawayn.
Tags
ARIMAHA BULSHADA