1187. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W.) waa ku guubaabin jirey dadka inay tukadaan Taraawiixda Bisha Ranmadaan, isagoo aan dadka ku adkeyneyn, ( si aan looga dhigin salad faral ah), wuxuu yiri: Qofkii u kaca salaad Taraawiix Bisha Ramadaan isagoo iimaan qab iyo ajar dalab dartood, waa loo dhaafi doonaa wixii dembiyo (yar yar ) horey uga dhacay). (Muslim)
Fiiro Gaar ah: Fadliga iyo ahmiyadda salaadda taraawiixda ee la tukado bisha Ramadaan, waxay ku sugan yihiin axaadiista iyo falalka Nebiga S.C.W. laakiinse intii uu noolaa Nebiga S.C.W. lama adkeyn. Si ayan u noqon salaad faral ah. Laakiin markii uu dhintay Nebigu S.C.W. kaddib oo ay suushay baqdintii in faral laga dhigo. Cumar al-Faaruuq (Cumar bin Khaddaab) oo ay ku raaceen asxaabtii Nebiga baa u soo bandhigay salaad taraawiix ah ahaan oo sunno ah jamaaco ahaan loo wada tukado.
Cali Muuse Jaamac