"XADHIGA FANAANIINTA XIDIGAHA GEESKU WAA SHARCI DARO BADHEEDH AH" HASSAN DHUXUL LAABSAALAX


Hargeisa(Arabsiyoweb)Qaar Ka mida Fanaaniinta Xiddigaha geeska oo Bandhig faneeedyo ka soo dhigay dalalka Kenya iyo Soomaaliya, ayaa maanta markii ay soo gaadheen Caasimadda Hargaysa ee Somaliland, ayaa Ciidanka Boolisku  xabsiga u taxaabeen
Fanaaniintan Xabsiga loo taxaabay ayaa kala ah Xamda Queen, Nimcaan Hilaac, Cabdiraxmaan Oday iyo Maxamed Axmed Bakaal (Cirro), waxaannay habbeenkii Ciidda bandhig faneed ku qabteen Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, halkaasoo ay ku soo bandhigeen Heesaha aadka loo jecel yahay ee ay qaadaan Fanaaniinta kooxdaasi. Inkastoo aannay jirin war rasmiya oo ka soo baxay Hay’addaha Ammaanka oo la xidhiidha xadhiga Fanaaniintan ka tirsan Kooxda Xiddigaha geeska, haddana wararka aannu helaynaa waxay sheegayaan in sbaabta Xadhigoodda ka dambaysaa ay salka ku hayso Safarka shaqo ee ay ku tageen Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya. Si kastaba ahaatee kooxda Xiddigaha geeska oo xaruntoodu ku taalla Caasimadda Hargaysa, ayaa xukuumadda talada haysa ay isku khilaafeen safaro ay doonnayeen inay ku tagaan Magaalada Muqdisho,kuwaasoo la xidhiidhay arrimmo dhinaca Fankooda ku saabsan, waxaanna dhawr bilood ka hor safar uu magaalada Muqdisho ku tagay fanaanka Nimcaan Hilaac, iyadoo markii uu Hargaysa ku soo laabtay-na Xabsiga loo taxaabay. 
Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha geeska Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xadhiga lagula kacay Fanaaniinta xiddigaha geeska, waxaannu sheegay in Xadhigooddu yahay Sharci-darro badhedh ag












Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post