Hargysa,(Airabsiyoweb)- Kalfadhigii golaha wakiilada ee maanta ayaa waxa ka dhacay wax aan hore looga baran ama ka dhicin Somaliland, waxna uu golahu ku waabariistay laba gudoomiye iyada oo xukumadda Siilaanyo ay golaha ka dhex toostay isla markaasna gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax u soo cumaamaday in uu yahay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.
Saaka markii golahu uu furmay ee quraankii la akhriyay lagu furaayay kulanka ayaa waxa soo kacay sadex xildhinaan oo uu hogaaminaayay xildhibaan Cali Mareexaan oo uu adeer u yahay madaxweyne Siilaanyo oo hore ugu dhaartay in uu goalah ka qaadi doono gudoomiyaha waxna xildhibaankaasi wehelinaayay laba xildhibaan oo kala aha xildhibaan Waabeeyo iyo xidlbibaan Bukhaari, waxana uu Cali Mareexaan uu Bukhaari ku amray in uu gudoomiye Ciro u dhiibo Mooshin la doonaayay in loo codeeyo oo madaxweyne Siilaanyo u soo dhiibay ama madaxtooyada laga soo abaabulay kaasi oo ku saabsanaa soo celinta mooshin hore golahu go’aan diidmo ah uga gaadhay oo ahaa kii haamaha shiidaalka ee Berbera.
Markii mooshinkaasi uu gudoomiyuhu uu fahmay ayaa uu ku dhawaaqay in mooshinkaasi hore loo meel mariyay oo aanu ahayn hada mid meesha yaala isla markaana xili kale ama kalfadhiyada danbe lagaga hadlo
Markii uu gudoomiye Ciro uu hakiyay mooshinkii ay xukumaddu dabada ka riixaysay ayaa waxa markiiba mikirifoonka la booday oo gudoomiyaha ka garab kacay gudoomiye ku xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax oo si toosa uga amar qaadnaaya madaxtooyada, waxana uu goobta ka sheegay in mooshinkaasi ay tahay in loo codeeyo oo ay u diyaar garoobeen isla markaasina aan dib loo celin ,la taliayaha sharciga ee golahana aan loo gudbin ee la meel mariyo mooshinka iibinta haamaha shiidaalka ee Berbera, oo ay tahay in xukumadda lagu taageero.
Gudoomiye Cirro ayaa markale goobta ka hadlay waxana uu sheegay in la ixtiraamo dastuurka iyo qawaaniinta golaha, waxana uu sidoo kale sheegay in uu isagu sharcigu siinaayo in uu sidaasi u dhigo oo aanu golahu lahayn laba gudoomiye, waxna batay buuqii iyo sawaxankii waxna uu Ciro sheegay hadii golaha wakiilada loo sameeyo laba gudoomiye inuu dalkuna yeelan doono laba madaxweyne, isaga oo hadalkaasi u duur xulaaya in gudoomiyahan cusub ee Mr Baashe uu sheeganaayo laga soo abaabulay xaga madaxtooyada,yeelkeede Baashe ayaana isku deyay inuu shirgudoonka xoog kula wareego isla kulankaasi si uu mooshinkiii madaxtooyadu kula soo dardaaranabtay u meel mariyo ama cod u geliyo ha yeeshee waxaa feedh kaga fur furay gudoomiye Ciro, waxna uu Mr Baashe Galgashay oo ku dhacay dhulka ,wuxuuna raftay muddo ha yeeshee halkaas ayaa aakhirkii laga qaadey, waxaana buuq iyo sawaxan kadib gudoomintii la wareegay gudoomiye Cirro iyada oo Baashena dibada golaha loo qaadaya ama saaray, xoogaa kadibna golahii ayaa uu xidhay gudoomiye Cirro, waxna halkaasi maanta ku baaqday mooshinkii ay xukumaddu u soo diyaar garawday oo ay maanta xaadir ka ahaayeen 60 mudane oo aan baryahaasi hore loo arag kalfadhi noociisa ah.
Wararka oo faah faahsan la soco dhawaan
Tags
NEWS