Hargeysa(Arabsiyoweb)- Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka digay in golaha wakiilladu noqdo laba garab oo is barbar socda, kaasi oo masiirka umadda khalkhal galin kara.
Waxa uu sheegay in dagaalkii dhex maray Guddoomiye Cirro iyo kuxigeenkiisa koobaad ahaa mid wax weyn u dhimay meeqaamka Somaliland, islamarkaana ahaa dhacdo aan loo baahnayn “Horta arrintaasi ka dhacday golaha wakiilladu waa mid haybaddii Somaliland wax u dhintay,” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin
Tags
NEWS