Qorshaha Hanashada Hoggaanka KULMIYE + Ajendaha Heshiiska Wareejinta Xilka Gudoomiyaha Iyo Raad-gadashadii Xirsi ee Berbera Corridor



Xirsi Iyo Biixi oo Xanafta Xummadda KULMIYE u Kaxaysay Itoobiya
Addis-ababa,(Qaran-news)-Marka lays barbar-dhigo safarka Addis-ababa ee Wasiiradda Madaxtooyadda Xirsi X. Cali iyo kan Khaarajiga Maxamed Bixii Yoonis, sidoo kale, ujeedada Wasiir Xirsi ku fasiray muraadka booqashadoodu salka ku hayso, taasoo Md. Xirsi war-fidiyeenada mar uu la hadleyey ku micneeyey inuu yahay mid la xidhiidha Mashruuca loo yaqaan Berbera Corridorþ, kaasoo ah Barnaamij muddo socday oo labada dal hirgelintiisa iska kaashadaan.
Sida Wasiir Xirsi sheegay haddii qorshaha Safarkoodu yahay mid ku eg Mashruuca Berbera Corridorþ, waxa is-weydiin mudan qaabkee xilliyadii hore labada dal hawlaha Mushruucan isaga kaashan jireen, ma waxa uu ahaa mid hawlihiisa ay gacanta ku hayaan laba Wasiir ama laba shaqsi, mise waxa uu ahaa mid qorshihiisa ay ka dhex muuqdeen Madaxda ka tirsan Wasaaraddo iyo Hay’addo tiro badan oo Qaranku leeyahay?. Waxa Hubaal ah in Barnaamijka Berbera Corridorþ, tan iyo intii hawlihiisa la waday dhinaca Somaliland ay iska kaashanayeen Masuuliyiinta Madaxda ka ah Wasaaradda iyo Hay’daha Mashruucani Khuseeyo, kuwaasoo ay ka mid yihiin Wasaaraddaha Maaliyadda, Ganacsiga, Hawlaha-guud, Khareejiga iyo Maareeyaha Dekedda Berbera. Waxa kaloo, iyana jirtay in Masuuliyiin ka socota Wasaaraddaha iyo Hay’adahan dhiggooda dalka Itoobiya ay kuwa Somaliland kala shawri-jireen arrimaha khuseeya Mashruucan.
Teeda kale, marka hawlaha mashruuca Berbera Corridorþ uu sidaa cad yihiin, waxa muuqata in Safarka Addis ee Wasiir Bixii iyo Xirsi haba-yaraatee aanu wax xidhiidh ah la lahayn arrimo ku taxaaluqa Barnaamijka Berbera Corridorþ, sidaa awgeed-na dhawaaqii Xirsi ee arrinkani uu ahaa mid ujeeddooyin kale ku qotomey, soo hadal-qaadka arrinkuna uu ahaa af-gobaadsi.
Marka taa laga yimaad, waxa iyana xusid mudan in aynu fahano ujeeddada ama qastiga isku sidkay Wasiir Bixii iyo Xirsi, iyo weliba saarka u qabtay inay Itoobiya ku kulmaan?. Docda kale, iyadoo uu xilligan jiro loollan culus oo uu dhexeeyaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo hoggaanka Xisbiga KULMIYE, kuwaasoo ku hirdamayaa gacan-ku-dhigiista ama hanashada Mustaqbalka ee jagooyinka Musharaxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, iyo sidoo kale, Gudoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Xisbul-xaakimka.
Sidoo kale, marka dib loo eego xidhiidhka hoose ee u dhexeeya labada Wasiir, oo iyagu beretan ugu jiraa hanaashada Joggooyinka Musharaxa Madaxweynaha iyo kan Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, waxa Safarkooda Addis-abab loo fasiran karaa inuu yahay mid ku taxaaluqa laba ujeeddo midkood.
Waa tan horee marka si loo eego Safarkan, waxa loo micneysan karaa inuu yahay fursad labada Masuul ay ugu talo galeen inay kusoo degaan Kaartada ama qorshihii ay ku qabsan lahaayeen jagooyinka hungurigu ka hayo, sidoo kale-na, ay kusoo kala qaadanayaan qorshe ay heshiis ku yihiin, gaar ahaan in la kala qaado jagada Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga, arrintaasoo ah tan muranka ugu badani ka jiro. Sidaas darteed-na aragti taa ka duwan uu qabo garabka loollanka ka dhexeeyo ee Guddoomiye Muuse.
Maseeladda labaad ee Safarkan, ayaa iyana loo turjuman karaa, inuu yahay mid la xidhiidha arrimo iyo dano sheqsi oo u khaas ah laba Masuul, Tusaale ahaan, qorshe ama dedaal Wasiir Maxamed Biixi ku doonayo inuu isugu soo dhoweynayo Wasiir Xirsi iyo Dawladda Itoobiya, masuulkaasoo sida marar badan laga dhawaajiyey Dawladda Itoobiya aanay ku faraxsanayn ka mid ahaan-shihiisa Xukuumadda Somaliland, walow arrinkaasi aanu ahayn mid xaqiiqadiisu si cad usoo shaac baxay.
Si kastaba ha-ahaatee, marka arrimahan la isku soo xooriyo, waxa muuqataa in loollankii ka dhexeeyey Baarqabada Cadeysimada ah ee KULMIYE ee dalka gudihiisu ka socday uu hadda u talaabay dalalka deriska, taasoo ah tallaabo kale, oo iftiimineysaa baaxadda burburka iyo dil-dilaaca kasoo socda Xisbiga KULMIYE.
Yool

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post