HARGAYSA(ARABSIYOWEB) Madaxweynaha Somaliland ee Haatan Talada haya Axmed Siilaanyo ayaa sanadii 2004 Xiligii Ololaha Doorashooyinkii Golaha Baarlamaanka sameeyey Balanqaadyo badan oo ka mid ahaayeen Madaxbanaanida Baarlamaankan ay hada baabiisey Xukuumadiisu .
Xiligan waxa uu ku Sugnaa Dalka Maraykanka waxaanu sheegay inay rabaan in Baarlamaankani noqdo mid la xisaabtami kara xukuumada sidoo kalena aan la iibsankarin fuliyana sharciga Dastuurka iyo Balanqaadyo kale kuwaas oo dhamaantood Dhicisoobay .
Tags
NEWS