
Maamulka Dawlada Hoose ee Dagmada Arabsiyo ayaa Xadhiga ka jaray Ceel uu yeelan doono Dugsiga hoose dhexe ee Arabsiyo,waxaana kalasoo qayb galay Madaxda Hayada ACBA,Xildhibaan SHiine,iyo ISku duwaha waxbarashada ee Dagmada Arabsiyo,waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay,Xildhibaan Shiine oo Sheegay inay tahay hawshani hawshii ugu horaysay ee ay Dagmada ka fuliyaan laakiin ay tahay meel aad usoo jiidatay arabsiyo,kana dhawaajiyay inay waxbadan ka fuliyaan wakhtiga dhaw,waxa kaloo halkaa ka hadashay Gudoomiyaha waxbarashada ee dagmada arabsiyood fadxiya Maah xasan,waxaana hadalkeeda ka mid ahaa waanu idiin mahad naqaynaa aadna waad ugu mahadsan tihiin anaydin noosamayseen ceel ay caruurta dugsigu isticmaalaan,Runtii waa waxwanaagsan,waxa kaloo halkaa ka hadashay madaxa hayada ACBA Samsam Salah,waxaana kamid ahaa hadaldeedii runtii aadbaan ufaraxsanahay maanta Arabsiyo waameel aan aad ujecelahay ceelkana maaha kii ugu dambeeyay ee waxbadan ayaanu kaqaban doonaa insha Alah,Ceelkana waa inaydin ilaashataantaan Sibay tidhi ay uga faaidaystaan da,yarteenu Guntii iyo gabagabdii waxsoo Afmeeray Maayerka dagmada Arabsiyood C/laahi cabdi faarax,waxaana kamid ahaa hadaladiisii aadbaanu idiinku mahad celinaynaa runtii baahi wayn ayaanu uqabnay inaanu Ubadka uhelno biyo,maantana tiibaad naga daboosheen,waa wax ilaahay loogu mahad naqo,waanaydin mahadsan tihiin,
Muuse xuseen xasan
r