MAAYEKII AY GABILEY TABAYSAY .....FAALO




Gabiley(Arabsiyoweb)waa maayerkii ugu Da'da yaraa ee soo mara Dagmada gabilay,Mudadii ay Soomaaliland jirtay,waxaanu noqday maayekii ugu waxqabadka badnaa ee soo mara Gobolka gabilay,waa masuul ku sifoobay Karti iyo Daacadnimo inuu ugu Adeego Bulshada,         Maayerka Dagmada gabilay Md Maxamed Aamin Cumar Cabdi,oo isagu xilka hayay mudo Dhawr Bilood ah,ayaa hadana Waxa u Suurta gashay inuu waxyaabo fara badan oo Horumara kahir galiyo Gudaha Magaalada Gabilay iyo Magaalooyinkiyo,Tuuloouinka hoosyimaadana sidoo kale,Waxyaabaha kale ee uu waxka qabtayna waxa kamid ah,Wadooyin ku Cusub oo Laamiyo ah oo, ku cusub Wadankana kahir galiyay,Gabilay,Dhinaca Arimaha Bulshada ayaa kamida,waxyaabaha uu Waxka qabtay Maayer Aamin,Isagoo barbar joogsada Dhaliyarada Sportska,kuna taageera Sidii ay Kubada cagtu unoqan lahayd,mid dhalintu kaga Baxdo Fikirka ah inay Tahriibaan isagoo Marwalba Dhinac taagan Dhalinta Gobolka Gabilay,Taasoo soo celinaysa magacii uu ay Gabilay ku lahayd xaga kubada cagta,isagoo Kormeer joogta ah ku sameeya,Goobaha waxbarashada,caafimaadka,Jeelaka,una kuur gala,Xaalada ay ku sugan yihiin iyo siday hawluhu ukala socdaan,intana gacan ka gaysta,Waxyaabaha khaastan ugaara maayerka Dada yer ee Gabilay Md Aamin Inuu aad heli karto oo uu xafiiskiisu furan yahay iyadoon cidna laga celin iyadoo maayradii hore ee gabilay Sida ay bulshadu ula kulantaaba ay adkayd iyagoo ku mashquulsanaa inay Xidhaan ama intay joogaan koobnaydba,iyagoo Albaabka ciidan Dhigan jiray,Ayaa Maayer Aamin Lagu xusuusan doonaa Maayerkii Ugu Horeeyay ee Ka Soo Shaqeeyay Gabilay, ee Albaabkiisu Ufuran yahay Bulshada uu ushaqaynayo,Aamin ayaa la odhan karaa waa masuul ku dayasho Mudan,waxaananku tilmaami karaa,inkastoo ay Maayero Badani kasoo Arimiyeen Gabilay oo ay waxkasoo qabteen iyagoo uu ninba insoo Gaadhsiiyay hadana maayer Aamiin ,waa Maayerkii ugu waxqabadka badnaa ee abid soo mara Dagmada Gabilay,Waa Masuul uguntaday inuu ka dhabeeyo Qodobka Saldhiga u ah Xukuumada jirta ee uu hogaamiyo Axmad Siilaanyo,Maayerka gabilay ayaa u Muuqda inuu yahay Toosh Iftiimiyay Guud ahaan Gobolka Gabilay

Wariye Muuse Xuseen xasan 

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post