XUSUUS QORKII GEES GEERIDII CIGAAL KADIB QAYBTII LABAAD




Samayntii Distoorka.

Haddii aan halkaas kaga yara joogsano nabadayntii beelaha Soomaaliland aan wax yar ka iraahdo Dimuqraadiyentii inagoo ka bilaabayna samayntii Distoorka.

Shirweynihii qaran ee Hargeysa lagu qabtay 1996waxaa barber socday Gudi ka kooban 15qof oo Shirgudoonkii shirkuu doorteen inay isku began laba distoor oo mid uu sameeyey Khabiir Soodaani ah oo markii hore loo keenay inuu la taliyo guddigii baarlamaanka ee loo magacaabay oo loo xilsaaray in ay sameeyaan distoor sidi uu Axdi qarameedkii Boorame dhigaayey. Waxaa dhacday in ay is qabteen Khabiirkii oo Madaxweyne Cigaal ku xidhnaa lagana urinayey iyo gudigiiBaarlamaanka. Sidaas darteed waxay arrintii keentay in laba distoor la soo saaro mid Khabiirkii sameeyey iyo mid Gudigii Baarlamaanku sameeyeen .

Gudigaas ka koobnaa 15 qof waxay ahaayeen

  1. SH.Cabdiilaahi sh. Cali Jawhar Guddoomiye
  2. Maxamed Axmed Cabdulle Guddoomiye-ku-xigeen
  3. C/qaadir X. Ismaaciil Jirda xoghaye
  4. SH. Maxamuud Suufi Muxumed xubin
  5. Maxamed Siciid Maxamed {Gees} xubin
  6. SH.Cali sh. Cabdi Guuleed xubin
  7. Faysal Xaaji Jaamac {Qareen} xubin
  8. Cismaan Xusseen Khayre {Garsoore} xubin
  9. Prof. Faarax Cabdilaahi Fariid xubin
  10. Prof. Maxamuud Nuur Caalin xubin
  11. Xasan Cabdi Xabad xubin
  12. Axmed Macalin Jaamac xubin
  13. Yuusuf Aadan Xiseen xubin
  14. Cismaan Cali Bille xubin
  15. Maxamed Jaamac Faarax xubin

Gudigaas waxay hawshoodu ahayd in ay labada distoor mid iskaga dhigaan si loo helo xal dhaxdhexaad ah. Gudigaasi mar waxuu ka koobnaa oo loogu tala galay in uu wada matalo inta badan beelaha Soomaaliland, dhinaca kalena wuxuu ka koobnaa dad gorsoorka yaqaanna, dad Diinta islaamka aqoon u leh, dad si fiican uyaqaana luqadaha sida (English, Carabiga), dad yaqaana Suugaanta, dad maamulka dawliga ah ku soo jiray mudo badan iyo siyaasiyiin hore.

Markii aan hawshii bilownay waxaa lanoo keenay nuqul ku qoran af Soomaali oo ahaa distoorkii ay sameeyeen gudigii Baarlamanku iyo saddex nuquloo ku qoran Af soomaali, English, iyo Carabi oo ahaa distoorkii uu sameeyey Khabiirkii Soodaaniga ahaa. Anagoo hawshii ku dhex jirna ayaa waxaa noo yimi Shirgudoonkii shirka ee na magacaabay si lama filaan ah ayey noo fareen in aan Axdi qarameed samayno kii hore ee Boorame ka balaadhan sidaa ayaannu ku samaynay Axdi qarameed cusub muddo koobanku dhamaynay. Mar labaad ayey nagu soo noqdeen Shirgudoonkii shirku oo ay na yiraahdeen distoor sameeya oo labadii distoor oo hore ka soo dhex saara distoor cusub.

Gudigayagii waannu fekernay oo tashanay intaan albaabkii hoosta ka xidhanay markii aan aragnay kala hadalka Shirgudoonka, waxaannu isku raacnay in aan wadanka lagu maamuli Karin Axdi qarameed cimrigiisu 2sano yahayee ay lagama maarmaan tahay in uu wadanku distoor yeesho, waqti ay maanta kaga haboon tahay samayskiisa aannu jirinlana heli doonin.sidaas darteed hawshayadii ayaannu ku dhaqaaqnay waxaa hadaba noo muuqday in labada distoor iyo Axdi qarameedkuba ay xagga qaab dhismeedka dawladeed isku waaafaqsan yihiin iyagoo dhigayey habka Madaxweyne , madaxweyne ku xigeen iyo gole fulimeed oo hoos yimaadda iyo laba gole oo sharci dejin Guurti iyo Wakiillo iyo Garsoorka oo madax banaan sidaas darteed wax khilaaf ah oo badani ma jirin. Waxaase nala kulantay arrin kale oo aanan filayn taas oo ahayd in xubno ka tirsan beelaha aan Isaaq ahayn ee gudiga ka mid ahaa qaarkood ayaa la yimi dood ah in distoorka lagu qeexo in beelaha Soomaaliland ay qaydhiinka ku qaybsadaan xilxlka dawlada oo la yiraahdo tusaale ahaan beel hebel ayaa leh Madaxweynaha , beel kalena ku xigeenka ilaa wasiirada ,taliyaasha ciidamada ilaa madaxda hay’adaha sidaa loo cadeeyo.

Anigu mar walba waxaan qanbay inkastoo aanan ka tirsanayn beesha Isaq in aan waxba lakala cayimin ee wax walba loo sinaado oo qof walbaa nasiibkiisa qaatooo aan waxba laka qaybsan arrintaas oo iska kayo horkeentay xubnihii dooda watay iyo Aniga. Waxaa loo batay oo la qaatay figradii ahayd in wax walba loo sinaado oo aanan waxba la qaybsan.

Arrintaas Aniga iyo Daahir Rayaale waan ka faa’iidaysanay oo haddii figradaa hore la qaato Daahir maanta madaxweyne ma noqdeen Aniguna laba xil oo waaweyn oo aan soo qabtayoo ahaa Wasaarradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibada ma qabteen oo beeshaydu iskuma hesheen.

Hase yeeshe marka aad hadda aragtid dawladdan cusub sida wax loo qaybiyey iyo tiro yaraanta iyo tayo la’aanta wasaarradaha la siiyey beelaha Hartiga iyo sida aanay waxba ugaga jirin madaxda sare dawladda waxaa ii muuqatay waxay ka cararayeen qoladii lahayd aan qaydhiinka ku qaybsano oo distoorka halagu qaybsado, mararka qaarkood waxaan is iraahdaa iyagaa kaa saxsanaa.

Marka aan arrintaas ka baxo waxaa noogu adkaa qaybta ka hadlaysa Garsoorka gaar ahaan Maxkamada Sare iyo Gudiga Cadaalada. Markii aan qaybtaa qoraynay waxaa gudoomiye ka ahaa maxkamada sare nin aad u yaqaana sharciyada kana soo baxay jaamacadaha dalka England. Magaciisuna ahaa Xaashi Sheekh Muuse Cabdi, ninkaasi wuxuu warqad u soo qoray gudigayagii loo xil saaray Distoorka wuxuuna nagu la taliyey inaan maxkamada sare ka dhigin hay’ad maamusha maxkamadaha kale ee ay ku koob naato eegista racfaanka loo soo qaato iyo fasiraada distoorka marka loo baahdo.wuxuu ka digay hadii gudoomiyaha maxkamad sare uu noqdo gudoomiyaha gudiga cadaalada oo distoorku sidaa qeexo waxay shaqadii maxkamada sare noqonaysaa badelid, xilka qaadis, dalacsiin, iyo casilaada garsoorayaasha maxkamadaha hoose. Sidaa darteed waxay ka baxaysaa shaqadeedii waynayd waayo shaqada gudiga cadaaladu waa shaqo maamul ee maaha mid garsoor. Waxaa laga rabaa gudiga cadaaladu inuu ururiyo, dabagalo, xog ka helo garsoore kasta in uu laaluush qaato, in aanu shaqada iman, inuu eex yaqaan,iyo inuu caadil yahay. Sidaana garsoore walba loogu abaal mariyo shaqadiisa.

Nasiib daro taladaas lama qaadan oo garsoore Cimaan Shunuu oo kamid ahaa gudigayaga iyo xubno kale oo ku raacay ayaa taladaa diiday kadibna waxaa laqaatay in gudoomiyaha maxkamada sare noqdo gudoomiyaha gudiga cadaalada. Sidaas ayuu gudoomyaha maxkamada sare ku noqday inuu qabto sadex xil oo kale ah:
  • Gudoomiyaha maxkamada sare
  • Gudoomiyaha gudiga cadaalada
  • Gudoomiyaha maxkamada dastuuriga ah
Arintaasi waxay keentay iska hor imaad dhexmaray Golaha wakiilada iyo Dawlada gaar ahaan madax waynihii marxuum Cigaal. Markii la arkay gudoomiyihii maxkamada sare oo sidii hore looga digay wakhtigiisii ku qaatay kale badalka garsooreyaasha kale uu hadba gobol tagaya oo noqday nin maamula maxkamadaha hoose. Sidaa awgeed wuxuu madax wayne cigaal ku qanciyey Cismaan shunuu oo ahaa gudoomiyihii waqtigaas ee maxkamada sare inuu iskaga dago xilkii gudoomiyaha gudiga cadaalada. Waxaanu ku magacaabay wasiirkii cadaalada inuu noqdo gudoomiyihii gudiga cadaalada halkaas waxaa ka bilaabmay buuq wayn oo ka dhex dilaacay xukuumadii iyo golihii wakiilada. Waxaa dhacday in cismaan shunuu ay colaad u qaadeen golihii wakiiladu ayna diideen inay an sixiyaan iyagoo ku eedaynayey iyadoon qodob dastuuriya aan labadalin sided u aqbashay soo jeedinta madax waynaha oo aad uga dagtay xilkii, isagii larabay inuu ilaaliyo ayaa jabiyey dastuurkii kuna xad gudbay.madaxa wayne cigaalna waxay ku qaadeen olole ah inuu jabiyey dastuurkii.

Waxaa xusuus mudan in shir gudoonkii golaha Guurtidu ay arinta soo dhexgaleen oo labadii dhinacba lahadleen oo ahaa golihii wakiilada iyo xukuumadii gaar ahaa madax waynihii, taas oo ay labadii garaba ay aqbaleen dhexdhexaadintii dabadeedna shir lagu qabtay madax tooyada oo ay sadexdii goleba xubno uga qayb gala u soo dirsadeen .markii shirkii furmay oo uu fadhiyo madax wayne cigaal, labadii shirgudoon, wasiiro, iyo xildhibaanadii. Waxaa dhacday in doodii adkaato oo la is mariwaayey, waxaa meesha dhexdeedii isku dhacay gudoomiye Qaybe iyo wasiirkii maaliyada Axmed siilaanyo oo hadalkii ka xumaaday, arintiina cirka isku shareertay, qoladii guurtida ee wax dhexdhexaadinaysay waxay ku hadlaan ayey waayeen.

Markii xaalku halkaa maraayey Anigoo kamid ahaa xubnihii wasiirada ee shirkaa ka qayb galayey ayaa ku dhiiraday wuxuu xalku ahaa waxaan ka soo sheekeeyey markii dastuurka la qorayey qodobkan hada muranka keenay iyo dhaliilihii laga digayey oo soo baxay. Markaasaan idhi hadii aan nahay xukuumada waan kanoqonay gefkayagii ahaa magacaabidii wasiirka cadaalada inuu noqdo gudoomiyaha gudiga cadaalada, goluhuna gacan naga siiyo sidii wax looga bedeli lahaa dastuurka. Arintaasi waxay ahayd arin dhiiranaan ah oo madax waynihii oo fadhiya aan xilkiisii sheegtay, cigaal inta uu yaabay oo isoo eegay ayuu yidhi wax gef ah oo aan samaynay majirto haseyeeshee sida uu gees sheegay ayaanu ku raacsanahay dadkii shirka joogay oo dhan ayey neefi ka soo booday meeshiina waxaa ka dhacay is afgarad. Arintaas iyo arimo kale oo badani waxay ka marag kacaysaa in uu ahaa madax wayne cigaal nin talada qaata oo sidii ay mucaaridku sheegi jireen aanu ahayn nin keligii taliye ah.

U malayn mayo in madax wayne kale oo Soomaaliyeed yeeli lahaa in wasiirkiisii oo aan latashan uu go’aamiyo arin isagoo fadhiya. Way dhacday waana ogolaaday oo ku qancay Cigaal.

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post