WAR DEG DEG AH CIIDAMADDA MADAXTOOYADA OO DHAAWAC CULUS GAADHSIIYAY MUDANE XASAN CAWAALE




Hargeysa(arabsiyoweb) Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland ayaa Maanta Garaacay Xildhibaan Xasan Cawale oo wakhtigaasi ka soo baxay Madaxtooyada, dad goob joog ahaa oo Waaheen u waramay ayaa sheegay in Xildhibaanka oo ka soo baxay Madaxtooyada uu arkay Xildhibaan kale oo ay Ciidanka Madaxtooyadu Garaacayaan waxaanu is yidhi ka qabbo basle isagiina way ku dareen, Xildhibaanka hore ee ay Dilayeen Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu ayaa isna ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha wakiilada.
Xildhibaan Xassan Cawaale ayaa dhawacii ay u geysteen Ciidanka Madaxtooyadu u jiifa Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo wakhtigan lagu daweynayo, waxaana wararku sheegayaan in Dhawaac culus ay gaadhsiyeen Xildhibaanka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali warancade ayaa ku booqday Xildhibaan Xassan Cawaale Cisbitaalka, inka oo aanu wali ka hadal dhacdadan dhawaca loogu geeystay xidhibaanka.
wixii warar dheerada ka soo kordha warkaasi kal soco
shabakada calmiga ee ARABSIYONEWS.COM
hargeysa/sland
wariye koronto


Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post