Hargeysa(ARABSIYOWEB ) Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa iska difaacay eedo Madaxweyne Siilaanyo u jeediyay.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inuu la yaaban yahay waxa Kursiga uu ku fadhiyo guddoomiye Cirroo ah mid laba jeer guurtidu u kordhisay xalaal ka dhigay, Kursiga Siilaanyo oo hadda guurtidu u kordhisayna Xalaaleeyay. Waxa uu sidoo kale sheegay in xeerka aan wali la samayn ee lagu dooran lahaa wakiillada guddoomiye Cirro leeyahay masuuliyaddiisa.
Guddoomiye Cirro oo arrimahaas iska difaacaya ayaa yidhi “Waxaan u malaynayaa inaan la soo helayn meel aan ku idhi Kursigayguna waa xalaal ka madaxweynuhuna waa xaaraan. Madaxweynuhu wuxuu yidhi waddanka anigaa ka masuul ah, anaguna intaas uun baanu lahayn oo aanu ku celcelinaynay. Madaxweyne dalka adigaa ka masuul ah, doorashadii adigaa ka masuul ah, nabad galyadiisa adigaa ka masuul ah ee madaxweyne doorashadii qabo.
Guddoomiye Cirro, oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Wax walba wakhti ayay leeyihiin, Waxaanu soo jeedinaynay uun in Madaxweynuhu doorashada qabto. Umaddu inaanu kuraasta u bannayno xaq bay noogu leedahay kayga iyo kiisaba”.
Mudane Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu intaasi raaciyay “Arrinta doorashada xilkeedu madaxweynaha ayuu saaran yahay. Xeerarku 99% waxay ka yimaadaan dawladda. Xeer aan anigu gacanta ku hayaana ma jiro. Sida madaxweynaha iyo xildhibaanadu ku doodaan 54 Mudane ayay xukumadda ugu jira golaha ee hadday Madaxweynaha ka dhab tahay in xeerka la ansixiyo 54-taas Mudane ayaa ku filan, bari ha amro mudaneyaashiisa kadibna ha la ansixiyo”
Guddoomiyaha golaha wakiillada ayaa sheegay inaanu isagu lahayn masuuliyadda xeerkan “Anigu waan guddoomiyaa ee waxaan gacanta ku hayaa ma jiro, meesha waa la soo dhigaa waa laga doodaa, diyaar baanuna u nahay wixii ku xidhan golaha in nidaamkiisa la mariyo, xeerkana la keeno laakiin, mar walba waxaan rumaysnahay in carqalada ugu weyn ee xeer dejinta haysataa tahay faro galinta Xukumadda”
Tags
NEWS