Arabsiyo(Arabsiyoweb)Sidaynu wada ogsoonahay xoghayaha dawlada hoose ee degmo waa sarkaalka ugu sareeya saraakiisha maamul ee fulinta iyo hawlwadeenada dawlada hoose. Intaynaan u gelin iftiiminta doorka uu ku leeyahay fadhiidnimada iyo fashilda maamul ee dagmada bal aynu dhawr qodob ka taabano masuuliyaadka ugu muhiimsan ee laga rabo xoghaye Degmo.
- xidhiidhinta waaxyaha shaqada iyo qaybinta awaamirta..
- Soo ururinta iyo hubinta warbixinada
- hubinta iyo dhiiirigalinta qorshe hawleedka shaqada.
- Ka warbixinta shaqaalaha iyo la socodka waxqabadyadooda.
- Diyaarinta miisaaniyada iyo ku dhaqankeeda
- Diyaarinta xisaab xidhka iyo ka warbixinta dhaqaale,
- Hubinta iyo kormeerka goobaha cashuur ururinta iyo dakhliga
- Sugidda, dabagalka iyo ilaalinta hantida Dawladda Hoose
- Hubinta, Saxeexyada foojarada, Jeegaga kharash bixinta iyo gelida saxeexa codsiyada kharashyada caadiga ah ee hawl socodsiinta maamulka Degmada
- Wuxuu mas’uul ka yahay diyaarinta ajendayaasha, marka uu la tashato Gudoomiyaha Degmada, Hadalqoraalada Doodda, gudbinta Dokomentiyada, talo bixinta, koobidda nuxurka shirarka .
- Wuxuu mas’uul ka yahay qabashada waajibaad kasta oo sharci ku fadhiya ama amaradda la faray ee uu siiyey gudoomiyaha Degmada
Markaynu eegno masuuliyaadka aynu kor ku xusnay waxaa aynu eegi bal waxyaabaha uu ku fashilmay xogahayaha dawlada hoose ee dagmadu
- Hayaraatee ma jirto wax wada shaqayna oo dhex marta isaga iyo shaqaalihiisa , waxaanad arkaysaa kala dambayn la aan ka jirta xaffiiskiisa.
- haba yaraatee ma jirto wax qorshe hawleeed ah oo uu soo diyaariyo xoghayuhu siday noo sheegeen qaar ka mida saraakishisa ugu saraysa.
- Ma jirto wax qiimayn ah oo uu ku sameeyo shaqaalihiisa xataa kuwa juwanka gooya ayaa ku odhanaya ninba wuxuu helo ayuu la tagaa ama inyar ka soo xareeyaa
- HABA YARAATEE WAX KORMEER AH OO UU KU SAMEEYO GOOBAHA DAKHLIGA MA JIRTO
- Garan maayo xiisaab xidh la sameeyyo maadaama xoghaya, xisaabiyaha iyo agaasimaha maaliyaduba ay qof kaliya isku yihiin
- Dhulkii danta guud, wadooyinkii dhamaan waa lawada ibiyaaa
AHMED MAHAMED CIIDLEbe
la soco qaybaha dan
la soco qaybaha dan