Arabsiyo: Macalinkii saaqiday …………….Q1aad



Arabsiyo(arabsiyoweb)Warbixintatan waxaan ku soo qaadanaynaa qiso dhab ah oo aad is odhan karto dunidii maanta macaankaa katagay mise xilkiibaa noqday dhalanteed iyo in cid kasta lagu tijaabiyo maamul iyo bulsho tiro badan oo ay ku jiraan aqoonyahan ,sheekh ,caaqil,xeeldheere iyo cid kasta oo horumarin karta meelMasuul looga dhigay
Sida aan ciwaanka maqaalkan uga dhigay  Macalinkii maamuli kari wayaayey class ee udalacay Gudoomiye Degmo
sanadku markuu ahaa 2003 ayaa waxay qisadan ay ka dhacday Degmada Arabsiyo gaar ahaan Dugsiga Sare ee Magaalada Arabsiyo  qisadan ayaa waxay udhacday sida tan
C/laahi Cabdi Faarax markay taariikhdu ahayd bishii Ougost  2003 shaqo baranimo ah ka bilaabay dugsiga sare ee farta Class ee form One ilaa Form Four iyo maadada Luqada ingiriisiga  oo udhigi jiray xiligaas class ka Form One ka
kaas oo mudada uu ku soo biiray bare C/laahi Cabdi Faarax isagoon wax aqoon ah oo baranimo ah ulahayn shaqadan uu ka bilaabay dugsigaas isagoo badanaaba Ardayda la soo hor istaagi jiray  sheekoyin iyo hasaawe umuuqda madadaalo ayaa hadana waxaa ku lifaaqnayd marka ardayda khaasatan Form One  ficilo uu kulo dhaqmi jiray kuwaas oo ahaa mid aan anshax iyo maamuuska macalinimo habayaraate meel usoo marin  kuna ah bahdil muuqda magacii sharafta lahaa ee Macalin  isagoo C/laahi Cabdi Faarax umuuuqday xiligaas mid ku haftay barida iyo gudbinta casharoda ugu magacaaban yahay dugsigaas
Macali C/laahi Cabdi Faarax ayaa wakhtigaas caan ku noqday isqabqabsiga ,dagaalka iyo muranka,jaafajiriqa iyo buuq joogta h mudada uu ku jiro xiisada  uu ku magacaabnaa isagoo magac kulabahxay wakhtigaas
(Cabdilaahi Botoriyo) kaas oo naanaystaas ugu baxday markii Ardaydii sabiga ahayd udhaafi waayey dagaalkooda iyo isbida xoog ku muquuninta kaas oo ku sifeeyey mid  isla quman
horaantii sanadkii 2004 ilaa 2005 macalinkii saaqiday waxaa masuul ama horjooge qofba sibuu uyaqaana (Form Master) looga dhigay Classkii Form Oneka ahaa xiligaas kaas maamulihii wakhtigaas oo ahaa nin dulqaad badan ayna kabadbadatay dacwada joogtada ah ee ka imanaysa Ardayda iyo buuqa joogtada ah ee maalinkasta xiiisada macalinkii saaqiday kadib ka dhaca Officka maamulaha dugsigaas
mudo markii macalinkii saaqiday  ee udalacay Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo uu Form Master kahaa classkii muranadu xoogaysteen markaliya bustaha dibada looga dhigay dugsiga taas oo ka timid xage sare ee maamulka waxbarashada Gobolka Gabiley dhacdadaas oo ka danbaysay markii uu macalinkii saaqiday uu xidhi kari waayay wadarta imtaxaanadka ardaydii uu form masterka u ahaa kaas oo uu qeexi kari waayey buundada dhabta ah ee imtaxaanadka ay ugu gudbayeen classka kaa ku xiga muran kaas oo galaaftay……..qaybta labaad waxaynu ku soo qadan doonaa talaabadii xigtay iyi dhacdadii uu ku fashilmay aqoonyahankii isbidayey aqoon aanu garanayn ee aanu ugu magacdarnay macalinkii saaqiday
waxaanu akhristayaasha usheegaynaa in aanu usoo gudbin doono taariikh hufan oo aanay ku jirin been iyo qof ku xumee waxaanu ugu magacdarnay Siyaasiga maanta iyo maxuu soo ahaan jiray waxaananu idin xasuusinaynaa in masuulkan  wixii wanaag ah ee uu  soo qabtayna aan sheegi doono
Lasoco Qay bta 2aad
xigasho arabsiyonews

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post