Iyadoo uu Dhawaanaha raxmaadka eebe ka da ay Deegaanadan Gobolka,Gabilay ayaanu Cirku wali ka Di,in Deegaano,kuwaaso ay halis ku jiraan Naf iyo duunyo Wuxii deegaanka ku Noolaa,waxaana hada ku Nafwaayay xoolo aad utiro badan oo udhintay abaar baahsan oo ku habsatay deegaankan,taasoo ay qayladhaan ka muujiyeen dadkii deegaanku iyagoo baaq udiray xukuumada soomaaliland,Sidii ay gargaar ulasoo gaadhi lahayd,dad iyo duunyaba,deegaankan ayaan wax gurmad ah kahelin maamulka dagmada oo marka kaliya ee ay arkaana ay tahay Marka ay Cashuurta Ka qaadayaanuun,Waa markii ugu Horaysay ee deegaan arabsiyo ujira wax ka yar 4km ay kasoo yeerayso dhibaato ay keenayso abaaro sahayday xoolahii ay Quudanayeen,iyadoo hadii lalasoo Gaadhi waayo gargaar dagdaga ay dhibaatadu intaas kabadan Doonto,Iskusoo wada duuboo Abaartan ayay in dhawaydba la tacaalayeen dadwaynahan ku dhaqan deegaankani,iyadoo aakhirkiina Galaafatay,Xoolihii ay Quudanayeen.
Wariye Muuse xuseen xasan
Arabsiyo office