Wasaiirka Wasaarada biyaha iyo khayraadka ee Jsoomaaliland ayaa kormeeray Siday usocoto hawsha biyo galinta dagmada Togwajaale,oo Maraysa meel aad u wanaagsan oo la odhan karo kolka waxa ku dhaw dahay Meel dhamaad ah,waxaana ku wehelinayay wasiirka AGaasimaha Wasaarada iyo masuuliyiinta Gobolka,Sida Gudoomiyaha Gobolka,Taliyaha qaybta ee gobolka gabilay,waxaanay ka bilaabeen kormeerkoodii badhtaha kalabaydh iyo wajaale oo ay kasocdaan hawlo lagu aasayo tuumbooyinka ilaa taangigii Loo Qodayay Siduu uNoqdo kaydka labaad,waxaana halkaa Warbixin ku siiyay wasiirka Xoghayaha Fulinta Wajaale,Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii,waxaanu xog kaasiinaynaa mudane wasiir Magaaladan wajaale ee aanu Masuuliyiinta unahay Waa markii ugu horay ee ay taariikhda Biyo yeelanayso,taana waxa sahlay Xukuumadan uu hogaaminayo Mudane Axmed maxamed maxamuus siilaanyo,oo Ku Sifawday Horumar iyo waxqabad,runtii biyihii Meel Fiican ayay Noo marayaan anaguna Waanu ka gudanaa Waajib kayaga oo waanu kormeernaa oo Shirkada hawsha Gacanta ku haysa waanu kawada Soconaa,intaa kadib waxa warbixin kasiiyay Madaxa Shirkada qaadatay Biyo galinata dagmada Tog wajaale waxaana ka mid ahaa hadaladii aadbaan ugu faraxsanahay maanta inuu inala Joogo wasiirkii Biyuhu Waxaanu kuu Cadaynaynaa Mudane wasiir wajaale Runtii hawshii biyuhu waxaynoo maraysaa Meel aad uwanaagsan insha alah Anaguna waxaanu ku dadaalaynaa iyadoo Ramadaana inaanu dadaalka Sii libin libin laabno ayna Nagaga Soo gaba gabowdo wakhti gaaban,Intaa kadib Agaasimaha Guud iyo Gudoomiyaha Gobolka oo hadalka ukalla dambeeyayna ay aad ugu booriyeen bulshada Reer Tog wajaale sidii loo Ilaashan lahaa qalabka biyo galinta Guntii iyo gabagabadii waxa hadalka soo Afmeeray Wasiirka wasaarada Biyaha iyo khayraadka,Baashe cali waxaana hadalkiisa kamid ahaa aadbay iisoo jiidatay in maata biyo galintii Tog wajaale oo gabagaba ah aan imaado ilaahay waxaan ka rajaynayaa inuu khayr inoogu dhameeyo,waxuunbaan Sheegayaa iskamay iman Inay Reer wajaale biye helaane waxay kuy Timid Siyaasada Madaxwaynaha Soomaaliland oo ah IN ay Soomaaliland oo dhami Biyo hesho anaguna waxaaanu Fulinaynaa Amarkiisii waanaydin mahasantihiin Sida wanaagsane aad u dadaalaysaan
Wariye Muuse xuseen xasan
arabsiyo office