TODOBA WAXYAABOOD OO FAAIDO KUU LEH KAANA CAAWINAYA INAAD KA HORTAGTO XANAAQA

Rasuulka (NNKH) ayaa waxaa u yimid nin markaasuu ku yidhi iidardaaran. Rasuulka  (NNKH)  wuxuu yidhi hanaaxiqin. ninkii wuxuu ku celiyay codsigiisii ahaa Rasuul Allow ii dardaaran, Haseyeeshe tallada kaliya ee rasuulku siiyay waxay ahayd ha xanaaqin. Ninkii mar sadexaad ayuu ku celiyay isla taladii ayuu rasuulku NNKH) u ugu celiyay. Xanaqu waa sida dabka oo kale run ahaantiina dabka dab kale laguma damin karo oo waxaa fiican inaad is dajiso xaaladana ka fiirsato.





Hadaba waa kuwan wax yaabaha aad kaga hortagi karto xanaaqa.
  1. waa inaad fahantaa in xanaaqu aanu ahayn xaalad awoodeed.
Rasuulka (NNKH) wuxuu yiri "ninka awooda lihi maaha ninka ku guulaysta tartanka lagdamada. laakin waa ninka xakamaayn kara xanaaqiisa marka uu cadhoodo"

    2..uqaado xanaaqu inuu yahay jeermis.
ku ducayso markasta inuu illaahay kaa fogeeyo waxyaabaha xun ee xanaaqa keena sidoo kale dadka xanaaqa badan.

    3.wax jawaab ah ha celin marka aad xanaaqsan tahay.
Ma dhaawacayso sharaftaada mana xumaynayso muuqaalkaaga. haddii aad la kulanto xaalad aad ku xunaaqdo  isku day inaad ka fogaato xaaladaas ama aad joojiso waxa  kaa xaajiyay. muuji daganaan marka aad muuqaal ahaan iyo maskax ahaan caadi ku soo noqoto oo isku day inaad ka jawaab celiso.

   5.Maskaxda ku hay waxa bulshada muslimiinta ahi kaaga baahan yihiin.
Dhexdiina ha isku xanaaqina hana is xaasidina  hana isku dhabar jeedinina noqda adoomihii alle ee wallaalo ah. waa xaaraan in qof muslin ahi qof kale oo muslin ah oo wallaalkii ah ka aamusnaado sadex cisho wax ka badan.

 6.Erayada naxariista lihi waxay leeyihiin saamayn
Haddalada naxariista leh ee ku jirta qofka xanaaqsani waxay ka yeeli kartaa inuu xanaaqu ka baaba o.
sidoo kale erayada naxariista kale qofka waxay ka yeeli karaan in xanaaqu ku sii kordho.


W/Q SAFAANA HAJI ADAN

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post