Dib u milicso 26-kii June 1991’kii Khudbadii Cabdiraxmaan Axmed Cali Madaxweynahii ugu horeeyay ee Somaliland



DIB U MILICSO: 26KII JUNE 1991 KHUDBADII CABDIRAXMAAN AXMED CALI MADAXWEYNIHII UGU HOREEYEY EE SOMALILAND IYO KHUDBADIHII MUJAAHIDIINTII :
26’kii June 1991 Khudbadii Taariikhiga ahayd Cabdiraxmaan Axmed Cali Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland waxa ay ka dhacday magaalada Berbera, khayriyadii hore ee berbera, halka uu iminka ku yaalo dugsiga siciid daa’uud maalintuna waxay ahayd arbaca 26 kii june 1991, goorsheegtuna 9 aroornimo cimiladu waxay ahayd mid degan, inkasta oo hoosta laga dareemaayey waxoogaa huur ah, circa waxa ku gedfanaa daruuro qarinaayey kulaylka falaadhaha qoraxda, xiliguna wuxuu ahaa qabsashadii wadanka oo dadbadan xusuusta maskaxdooda ay ku jirto. Inkasta oo ay dadka hayntoodu yarayd maadaama oo dagaalo riiqdheer laga soo doogay hadana maalintaa berberi waxa ay ahayd mid camiran oo dad la ciirciiraysa, shucuurta dadkana waxa ka muuqday yididiilo aad u saraysa waxaana u sabab ahayd qabsashadii dalka iyo ku dhawaaqistii lasoo noqoshadii madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland oo bil ka hor lagu dhawaaqay 18 may 1991.
Qalinkaa ila taraaree waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa tusmo aan ka soo min guuriyey buugayga xusuus qorka, waxa maalintaa qudbado goobta ka soo jeediyey mujaahidiin badan oo ay ka mid ahaayeen
1. Marxuun CABDIRAXMAAN AXMED CALI MADAXWEYNIHII UGU HOREEYEY EE SOMALILAND,
2. Marxuun Axmed Ismaciil Duqsi, Mujaahidiin weyn, ahaana Wasiirka Caddaalada ee Dawladii Cabdiraxmaan Tuur
3. Mujaahid Ahmed Daahir Diiriye oo kamid ahaa Golihii fulinta ee SNM isla markaana ahaa Mareeyihii ugu horeeyey ee Dekeda Berbera.
4. Marxuum Cabdixakiin Sumuni oo ka mid ahaa Saraakiishii SNM
5. Marxuum Haybe Laambad oo ka mid ahaa Saraakiishii SNM
6. Marxuum Cumar Toori oo ka mid ahaa Saraakiishii SNM
7. Mujaahid Axmed Laangadhe oo ka mid ahaa Saraakiishii SNM ahaana Badhasaabkii u horeeyey ee Berbera
Haddaba waxaan halkan idinkula wadaagayaa khudbadihii Marxuum Cabdiraxmaan Tuur iyo Marxuun Duqsi
Aan ku horeeyee Khudbadii Taariikhiga ahayd Cabdiraxmaan Axmed Cali Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland waxa uu dalkiisa ku bilaabay Mahadnaq Eebe iyo Duco dheer iyo salaanta Islaamka oo uu ku salaamay Bulshadii Goobta soo Buuxisay, intaas kabacdi waxa uu jeediyey khudbad taabanaysay dhinacyo Badan waxana ka mid ahaa hadaladiisii “walaalayaal waxaynu soo galnay halgan qadhaadh oo naf iyo Maal badani inagaga Baxeen, waxaana aynu ILLAAHAY Ka Baryeynaa inuu u naxariisto intii Halganka inagaga Baxday inagana Samir iyo Iimaan inaga siiyo, intii dhaawacantayna allah shaafiyo. Waxa aynu ALLEh ugu Mahadnaqaynaa Marhadii aynu guulaysanay oo dalkii alleh gacanteena soo geliyey”.
Halkaa markii uu hadalka marinayey waxa uu xusay arrinta goosashada wuxuuna yidhi “waxa jiray go’aamo ay isku ogaayeen jabhadihii soomaaliyeed iyo Ururkii SNM, go’aamadaa waxaa ka mid ahaa in marka dalka laqabto shacabka soomaaliyeed loo qabto shir laga wada hadlaayo wixii dhacay, dhibtii dhacdayna masuuliyadeeda cidii lahayd la saaro xeerarna laga dhigto inaanay dhibaatadaasi mardanbe dhicin haddii ay taasi suurtageliweydona la ismaca salaameeyo labadal oo jaara la noqdo, haddaba waxa go’aamadaa meesha ka saaray nimankii Xamar dowlada kaga dhawaaqay, Burburka soomaaliyeedna iyaga ayaa masuuliyada tuurta u ridan doona soomaaliyina waligeed dib isuguma soo noqondoonto. Inaguna waxa aynu la soo noqonay calankeenii aynu 1960 Xamar gaynay waxaana aynu nahay maanta Qaran Madaxbanaan. Koonfurna waxaan leeyey oo aan ugu baaqayaa waar dalkiina iimaansada oo nidaam dhista oo dadkiina nabad ugu taliya, anaguna qaran Madaxbaan ayaanu waxaan idin leeyahay aynu laba dal oo jaar ah oo walaalo ah noqono” ayuu hadalkii ku soo xidhay Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali.

Waxa isna halkaa khudbad aad u qiimo badan ka soo jeediyey Marxuum Axmed Ismaaciil Duqsi “walaalayaal waxaan goobtan ka khudbadeeyey 26kii june 1960, waxaan ka mid ahaa waftigii Berbera loo soo diray Maalintaas inay dadka halkan kala hadlaan, waa 31 sanno ka hor maanta oo ay taariikhdu tahay 26kii june 1991. Walaalayaal dadkii aan la hadlay maalintaa iyo dadkan aan maanta horjoogo marka aan isbarbar dhig ku sameeyo. Dadkii aan u khudbeeyey 1960 dadkan Maanta
1. way ka dhaadheeraayeen

2. way dhar cadcadaayeen
3. way ka dhalaal badnaayeen
4. way ka ilka cadcadaayeen
5. way ka indho cadcadaayeen
6. way ka hadal caddaayeen
7. way ka rajo caddaayeen
8. way ka guryo caddaayeen
9. way ka farxad badnaayeen
Muddadaa 31 sano ah waxa muuqata in dalka iyo dadkuba dib u socdeen” Mujaahidka ALLE Ha u Naxariistee waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay “waxaa maanta inoo bilaabantay Taariikh Cusub waxa aan ILLAAHAY ka Baryayaa inaynu Hore u socono ee aynaan Dib u socodkii ku sii jirin”.
Haddaba Maanta; 24 sano kadib 26kii june 1991, waxa ay iswaydiintu tahay ma waxa aynu qaadnay waddadii Hore u socodka mise weli tii Dib u socodka ayeynu ku jirnaa?
Waxa cad in aynu weli hayno waddadii dib u socodka muddo ku siman 55 sanno kadib 26kii june 1960. Waxa aan halkan idiinku soo bandhigayaa hal tusaale. Dadkii 26kii june 1991 dadkan maanta way ka rajo wanaagsanaayeen waana ay ka dal jeclaayeen. Waxaan xasuustaa 1991 doontii u horay ee Berbera soo gaadhay S/K yaasmiin waxa ay ka timi magaalada cadan waxa ay siday dawooyin, Jaaliyada cadmeed ee reer SOOMAALILAND ayaa laba nin Dawooyinkaa u soo dhiibay. Markii ay Doontu ku soo xidhatay dekeda waxaan ka mid ahaa dadkii goobjooga ahaa, isla markii ay labadii nin ka soo degeen doontii waxa ay tukadeen laba rakcadood oo salaatu shukri ah, kadibna way ilmeeyeen oo la aamusiin kari waayey, farxad bay ooyeen oo ilmeeyeen. Waxa ay hortayada ku jeexjeexeen baasabooro ay siteen oo weliba mid ahaa british. Taasi waxaa ay ku tusaysaa waddan jacaylku halka uu maalintaa maraayey Maantana waxa aynu wada ogsoonahay in ardaydii Jaamacadaha dhamaysatay in ay boqolkiiba konton tahriibayaan oo ay ku madhanayaan Saxaraha kuwa ka badbaadaana ay Liibiya ka sii raacayaan Doonyo Macmal ah kuwaas oo in badani ku qarqoomaan baddaha. Markaa waxa muuqata inaynu weli dib u socono.
Haddaba bulshad Reer SOMALILAND Waxan leeyahay Maxaa inaga Khaldan

1. Ma Bulshada ayaa khaldan mise Hogaamiyeyaasha
2. Siyaasada ay soomaaliland ku socotay 24 kaa sano ma tahay in lagu sii socdo mise Isbedel bay u baahan tahay (political reform)
Firkirkiinu waa Muhiim
Wa billaahi Towfiiq
Saleebaan Ibraahim maxamuud
063 4437183

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post