Xukuumadda Oo Ku Raad-Joogta Wariyayaal Baahiyay Wasiiru Lagu Oriyay Oo Laga Biyo Diiday Salaan Ay Shacabka Berbera Uga Sideen Siilanyo.



Hargaysa(Arabsiyoweb)Xukuumadda Somaliland oo markii u horaysay ka hadashay wariye maalintii saddexaad ku xidhan Berbera iyo kuwo lagu daba jiro oo Berbera ka baxsaday ayaa sheegtay in Suxufiyiinta loo haysto warar ay ka baahiyeen wasiiro maalintii ciida lagu foodhyay iyagoo ka khudbadaynaya magaalada Berbera. Wasiir ku xigeenka Amaanka ayaa ku Hanjabay in Qaar kale lagu Raad Joogo isla markaas lagu Haysto Warar ay ka Baahiyeen Wasiiro lagu Oriyay oo Shacabka Berbera ka Biyo Diideen erayada ay kula Hadleen,waxaana uu Carabaabay in Sharciga Lala Tiigsan Doono Wariyayaasha oo Sida uu tilmaamay War khaldan baahiye. “Qofku hadduu khalad galo waa wax iska caadi ah oo waa la xidhaa. Wariyeyaashan waxaa lagu xidhay khudbadii Salaadii ciida halkii buuqu ka taagnaa ood warkooda haysaan, xogaa wasiiradii halkaas ka khudbadaynayay ayay hadalkoodii si kale u yara turjumeen oo yara buun buuniyeen, markaa xadhiga wariyaha Soofadhiiste ku magac dheer wuu jiraa waana la baadhayaa waana la sii daynayaa Inshaa Allah, haddii wax lagu helana maxakamadda ayaa la gayn, ayuu yidhi Wasiir xigeenka amniga ee wasaaradda daakhiliga oo BBC-da la hadlay.

Wasiir kuxigeenka Amniga ee wasaaradda Daakhliga Somaliland ayaa ka hadlay qaabka loo baahiyay warka xukumaddu ka cadhootay “ Haddii adigoo Makarafoonkii aniga(Wasiir) hor haya aad makarafoonka kula cararto shakhsi kale oo halkaas taagan. Waxani waxay u baahan tahay ixtiraam oo maaha inaad mudnaanta siiso qofka Shoobarada wada. Haddii aad nin madaxa waraysanayso oo waxaan meeshii ku jirin aad ku darto oo aad hadalkii qofka badh goyso oo aad soo saarto in yar  oo hadalkii macno kale u rogaya taas lafteeda waa la isku qabsan karaa oo waxyaalahaas oo kale way iska jiraan, markaa buun buuninta iyo dhaqdhaqaaqa uu meesha ka sameeyay uun baa lagu qabsaday,” ayuu yidhi.
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in lagu dabo jiro suxufiyiin kale oo aan wali gacanta lagu hayn kuwaasi oo lagu haysto siday u tabiyeen foodhida iyo qaylada lagu oogay wasiir kuxigeennada ka khudbadaynayay garoonka shacbiga ugu badan ku tukanayay ee Berbera Salaadii Ciidal Adxa.
Maxamed Aadan ismaaciil Jiglan

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post