WAR DEG DEGA XUKUUMADA OO CIIDAMO SOO DHOOBTAY XARUNTA GOLAHA WAKIILADA JIDKA MADAXTOOYADA HOR MARA OO LA XIDHAY IYO JAWIGA GOLAHA OO LAGA CABSI QABO IN INQILAAB KA DHACO.+GODOODKA SHACABKA




HARGAYSA(Arabsiyoweb) Xukuumada Somaliland ayaa ciidamo xadh dhaafa soo dhoobtay xarunta golaha wakiilada somaliand oo ay shalay isku fara saareen shir gudonka goluhu taasi  oo ay keenay  moranka xeerka haamaha shidaalka lagu wareejinayo oo hore goluhu u laalay iyo xukuumada oo iyadu ka samri wayday diidamaa goluhu kala horyimid
Jawiga golaha ayaa laga dareemayaa in xoogag shalay ku dagaalamay golaha dhexdeedu uu wali socdo   hirdankoodii
Xukumada ayaa lasheegay in ay qorshaynayso sidii ay si in qilaaba ula wareegi lahayd shir gudoonka taasi oo lagu wado in uu gudoomiyo gudoomiyekuxigeenka labad ee goluhu Dr cali yuusuf inkasta oo uu shlay Dr cali ka gaabsaday gabi ahaanba wixii golaha ka socday.

Dhanka kale waxa laga daremayaa guud ahaan caasimada iyo agagaarka golaha dadwayne badan oo is abaabulaya qorshaynaya in ka dhiidhiyan waxa golaha ka dhacaya
Si kasta ha ahaatee waxaa sugu doonaan saacadaha soo socda.

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post