MILICSIGA; SIFIHII SHARCIDARADA AHAA EE AY XUKUUMADA SIILAANYO UGALA WAREEGTAY MAAMULKA HAAMAHA SHIDAAL SHIRKADII TOTAL OO CAQABAD KU NOQOTAY SOMALILAND IYO NUXURKA DACWADII TOTAL USOO DIRTAY DAWLADA,



“Marka Aanu Eegno Dhamaan dhukumentiyada Aanu hayno ee Heshiiskan aanu hore idin la galay oo ahaa mid Shuruudihiisu Shamays Tiran yihiin Aadbaanu ula yaabnay Dhaqanka Dawlada Somaliland Ee ah Joojinta Heshiis Aan Mudadiisii Dhamaan”
HOOSTA KA AKHRI QORAALADA AY SOO DIRTAY LOOYARADA SHIRKADA TOTAL. 
Hargaysa(Wajaalenews);Xukuumada somaliland ayaa  bilowga Xiligii ay Talada Dalka la Wareegay Waxay si Sharciga Balmarsan Ugala Wareegay Shirkada TOTAL oo Iyadu somaliland kula jirtay heshiis uu sexeexay Madaxwaynihii Hore Somaliland Mohamed Haaji Ibraahim Cigaal heshiiskaasi Oo ahaa mudo 50 sano ah dibna mardanbe isna dhiniciisa u sexeexay Madaxwayne Daahir Riyaale .
Heshiisyadaasi oo dhan waxa iska Indho Tiray Madaxwayne Siilaanyo Oo Ay dabada Kawadaan Shirkadaha Hada doonaya Maamuka Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Berbera , Oo Ay Kamid Tahay Shirkada Red Sea
Xukuumada Siilaanyo ayaa sifo Sharciga Baalmarsan u martay Lawareegida Maamulka Haamaha Waxayna Xidhay Masuulkii Wakiilka Uga Ahaa Total,
Xukuumada Siilaanyo Ayaa Waxay Xadhiga Kadib la Wareegtay Maamulka Haamaha Iyadoo Aanay Cidina ka Tirsan Hantidii Shirkada Total Oo Xiligaa Waday Dib uhabayn iyo furida  Kaalmo shidaal waxana halkaasi lagu waayay hanti dhan 12 Million oo Dollar
looyarada u doodaya shirkada Total ayaa mar ay dalka Yimaadeen waxay la kulmeen Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada Mohamed Cabdilaahi Cumar kaasi oo u balamiyay Madawaynaha Si Looga wado hadlo Waxa xukuumada siilanyo Ku kalifay Sifaha Ku cusbaa Dawladaha Amaba Heshiisyada Caalamiga ah
Nasiibdarose Waxaa iska hor istaagay kulankii Madaxwaynaha koox Qasriga madaxtooyada xoog ku lahayd maynay dhicin in ay kulmaan sidaasina ayay iskaga tageen looyaradii iyo Masuuliyiintii ka socday shirkada Total, dhacdadaa kadib ayay looyarada udoodaya shirkada Total ay Warqadan hoos ku qoran usoo direen Xukuumada somaliland.
Warqad ay shirkada total usoo dirtay Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Ahayd Dacwad ay Shirkada Total la Gashay Dawlada Ayna Wadeen Looyaro Caalamiya Ayaa Waxay  u Dhignayd Sidan;

Waxa kale oo aynu halkan kusoo bandhigi doonaa Heshiiskii u danbeeyay ee Madaxwayne DAAHIR RIYAALE U SEXEEXAY SHIRKADA TOTAL. WUXUNA UDHIGNAA SIDAN;

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post