Wasiiradda Madaxtooyada iyo Waxbarashada Ee Dalka Emirateka Ayaa Kala Iibsaday Labada Buurood Ee Gacan Libaax iyo Sheekh Waxaanay Bixiyeen Kharash Horu-dhac Ah Oo Dhan 8 Malyuun Oo Dollarka Maraykanka Ah
Arbaca 16 September 2015 Hargeysa (Arabsiyoweb)-- Sida masuul xil sare ka haya xukuumadda madaxweyne Siilaanyo uu HALBEEG u xaqiijiyay, wiilka madaxweynaha sodoga u ah isla markaana dhawaan loo magacaabay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Emirateka Mr. Baashe Cawil ayaa isagoo ka wakiil ah madaxweynaha wuxuu qallinka ku duugay heshiis si rasmi ah loogu wareejiyey buuraha Sheekh iyo Gacan Libaax laba wasiir oo ka tirsan dawladda Emirateka Carabta.
Wasiirka madaxtooyada ee dalka Emirateka isla markaana ka mid ah qoyska boqortooyada ee dalka Emirateka Sheekh Mansuur Bin Sayed Al Nahyan ahna ninka iska leh naadirga Manchester City ee ka dhisan dalka ingiriiska iyo wasiirka tacliinta dalka Emirateka Xumayd Maxamed Cubayd Al Qutaymi ayaa soo wakiishay dhawaan laba xubnood oo wefdi ahaan u yimid Somaliland, waxaana labada wasiir soo wakiilashadooda xubnaha dhawaan ku yimid socdaalka Somaliland ay ka danbaysay ka dib markii madaxweyne Siilaanyo dhawaan safar uu ku tagay dalka Emirateka uu labada wasiir kulan la yeeshay, isla markaana uu la soo qaaday arrintani.
Sida masuulkani sare ee ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo balse magaciisa inaanu xusno ka gaabsaday uu HALBEEG u sheegay, wefdigani dhawaan yimid Hargeysa ayaa waxay ahaayeen mukhalasiin ama wakiilo matalaayay labada wasiir, waxaana habeen hore si rasmi ah ay mukhalasiintaasi heshiis ula saxeexdeen wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Emirateka Carabta ahna madaxweynaha sodogii Baashe Cawil, iyagoo sidoo kalana sanduuq xisaabeedyo uga furan qoyska madaxweynaha dalka Emirateka ku shubay isla dorraad lacag qadarkeeda lagu qiyaasay 8 malyuun oo dollarka maraykanka ah.
Maxay Wasiiraddani U Isticmaali Doonaan Labada Buurood
Sida HALBEEG loo xaqiijiyay wasiiraddani ayaa waxay xayndaaban doonaan dhammaanba jooga iyo balaca ay buuraha Sheekh iyo Gacan Libaax, iyadoo heshiiska uu ka mid yahay in dadka degen agagaarka buurta laga raro, isla markaana wuxuu masuulkani HALBEEG u sheegay in wasiiradda Emirateku ay u isticmaali doonaan buurahani goobo ay ku ugaadhsadaan duur-joogta isla markaana ay ku dhaqdaan shimaraha.
Xogtu waxay tibaaxday inaan wasiiraddu laftigoodu aanay iman doonin dhulka balse dad u shaqeeya oo ugaadha labada wasiir ay goobtaasi xarumo ka samaysan doonaan xilliga kulaylaha isla markaana ay ku dhaqi doonaan shimbiraha, shinadda, isla markaana ay ku daban doonaan duur joogta.
Dhawaan ayaa mukhalasiinta ay soo dirsadeen labada masuul ee dalka Emirateku waxay booqasho ku tageen buurta Gacan Libaax iyagoo soo indho indheeyey in dhulkaasi uu noqonayo siday doonayaan.
Arrintani ayaa waxay ku soo beegmaysa iyadoo xukuumaddu dhawaan wareejinayso haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera, dekedda magaalada Berbera oo iyaduna shariikadda DP ay doonayso inay la wareegto, iyadoo sidoo kalana la sheegay in madaarka magaalada Berbera lagu wareejinayo ganacsato maraykan ah.

source halbeegnews
Tags
NEWS