Hargeisa-(ARABSIYOWEB)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii muddo dheer tuurta ku sitay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka booday,si mug weyna u duray Hab-dhaqankiisa siyaasadeed, ka amuusnaanta Boobka hantida Qaranka,Xadhiga xukumada Siilanyo la beegsato Birmageydada,Madax-dhaqameedka & Siyaasiyiinta iyo Arimo kale oo dalka ka taagan.
Xildhibaan Siciid Cilmi rooble oo si toosa ula hadlaaya Muuse Biixi, kana hadlayaa arimahaas aan kor ku sheegnay wuxuu yidhi “ Muusow haddii aad tidhaahdid ka hadli mayo Berbera,ka hadlimaayo hargeysa,ka hadli maayo Salaadiintaydii, ka hadli maayo waxa dalka ka dhacayaa,ka hadli mayo Gurigaaga waxa lagu sameynaayo kursina waan rabaa isku heli maysid Muusow labadaas,Ilaahaybaa bixiya kursiga,Siilanyo ma bixiyo Kursiga Muusow”
Siciid oo sii wata hadalkiisa ayaa intaas raaciyey “Muusow Waxad ogeyd shalayto waxa Ragaagii ku dhacay,mid midbaa Qoorta loo qabtay Habeena kamaad hadal,Abtiyaashaa waad ogeyd wixii ku dhacay kamaad hadal,Muusow waxaan u malaynayaa magac xumo iyo kursi la’aani inay ku wada qabsan doonto” ayuu ku soo afmeeray hadalkiisa.
SOURCE Qarannews
Tags
NEWS