ARINTA XIISADA U DHEXEYSA GUDOOMIYAHA KULMIYE IYO SULDAAN XASAN OO MEEL ADAG MAREYSA IYO DAREENADA KU XEERAN.






Hargeysa(Arabsiyoweb)-Xiisada u dhexeysa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse
Biixi Cabdi iyo Suldaanka Guud ee Beesha Subeer-Awal Suldaan Xasan
Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi ayaa, siweyn looga dareemayaa,
Degmada Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa,qeybaheeda kala duwan.
Xiisadan u dhexeysa Gudoomiyaha Kulmiye iyo Suldaanka Subeer-Awal oo
murankeedu dibada u soo baxay ayaa, la sheegay in ay dabada ku hayso,
mowqifka ay ka aaminsan yihiin Salaadiinta Subeer-Awal talaabooyinka
Xukuumadu ku xaraasheyso Haamaha Shidaalka Berbera iyo Goobaha kale ee
Danta Guud, iyadoo odoyaal kamid ah Beeshu hore ugu dhexdhexaadiyeen
Huteelka Ambasador ee Magaalada Hargeysa laakiin aan lagu
guuleysan,waxaana khilaafkani keenay in siweyn loogu kala jabo
mowqifka Suldaan Xasan awal hore ka taagnaa loolanka Xisbiga Kulmiye
ee garabka Muuse Biixi oo xiligan wax badani iska badeleen, Waxaanay
wararka khilaafkan ka ag dhawi tibaaxeen in Beesha Madaxweyne
Siilaanyo shuruud uga dhigeen Gudoomiyaha Kulmiye in ay muqadas tahay
in ay wada Socdaan Salaadiintiisa taas, oo ay usii quus goysay siina
kala fogeysay mowqifyda uu xiligan qaatey Suldaanka Guud ee Beesha
Subeer-Awal Suldaan islamarkaana sii kala fogeysay isaga iyo
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Salaadiinta Subeer-Awal ayaa iyagu xiligan Mowqif adag ka qaatey
Xukuumada iyo talaabooyinka ay ku wado Wareejinta Haamaha Shidaalka
Berbera iyo Arimo kale oo badan.

XIGASHO ;hadhwanaagnews

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post