War-saxafadeed ka soo baxay Xafiiska Unicef + Wuxu daaran yahay






Nairobi-(ARABSIYOWEB)- Midowga Yurub ayaa UNICEF ku
taageerey €2.5 milyan oo maaliyad bani’aadamnimo ah si ay ugu bixiso
waxqabadyadyo nafaha lagu badbaadiyo oo dhinaca nafaqeynta iyo biyaha,
fayadhowrka iyo nadaafadda ah (WASH) oo la gaarsiiyo carruurta Soomaaliyeed.
Nafaqo-xumo ayaa weli halis ku haysa nolosha kumanaan carruur ah oo ku nool guud
ahaan Soomaaliya waxaana xaaladda uga sii darey adkaanshaha sida gargaarka
bani’aadamnimada loo gaarsiinayo gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka. Sida ay
tilmaamayaan daraasadihii ugu dambeeyey ee nafaqada, waqti kasta waxaa jira
38,000 oo carruur nafaqo-xumo ba’ni ay hayso ah oo u baahan gargaar baxnaanin oo
naftooda lagu badbaadiyo, iyada oo la rajaynayo in 150,000 xaaladood la arko
sanadkan gudihiisa. Magaalada Buulo Burte ee bartamaha gobolka Hiiraan, shantii
carruur ahba mid ayaa ay haysaa nafaqo-xumo aad u ba’an. Ilmaha ay hayso nafaqo-
xumada ba’an ayaa sagaal jeer dhimasho uga dhow ilmaha caafimaadka qaba.
Lacagtan ayaa la soo marinayaa Guddiga Gargaarka bani’aadamnimada iyo
Waaxda Ilaalinta Madaniga ee Midowga Yurub / the European Commission’s
Humanitarian Aid and Civil Protection department (ECHO).
“Carruurta Soomaaliya ayaa ay dhibaatada ugu weyn ka soo gaareysaa xaaladda
degdegga ah ee adag,” ayaa uu yiri Lars Oberhaus, oo ah madaxa xafiiska ECHO ee
Soomaaliya. “Waxaa nalooga baahan yahay in carruurta ay naftoodu halista ku jirto
aan waqtigii loo baahnaa la gaarno daaweyn, in aan hubinno in aaney ku dhicin
cudurrada loo dhinto ee ay sababaan biyaha aan nadiifta ahayn iyo in qoysaska ugu
nugul ay awoodaan in ay daboolaan baahida aasaasiga ah ee carruurtooda.”
Maaliyadda uu bixinayo Midowga Yurub waxaa ay UNICEF ka caawin doontaa in ay
gaarto carruurta la silcaysa nafaqo-xumada ba’an iyada oo siineysa cuntada
daaweynta ee u diyaarsan in horey laga cuno / ready-to-use therapeutic food (RUTF),
taas oo ah mid ka sameysan loos lagu darey fitamiino iyo macaadin. Gargaarka
waxaa la soo marin doonaa Xarumaha Barnaamijka Daaweynta Bukan-
socodka/Outpatient Therapeutic Programme (OTP) halkaas oo ay ku heli doonaan
baaritaanno caafimaad iyo tallaalo. Carruurta nafaqo-xumada ba’ani ay hayso oo ayna
u weheliyaan dhibaatooyin caafimaad – sida fuuq-bax ba’an iyo matag – ayaa la
seexinayaa xarumaha baxnaaninta, halkaas oo ay ku heli doonaan daaweyn bukaan-
jiif oo takhasusi ah iyo daryeel daaweyn oo lagu siinayo caano wax lagu daaweeyo.
Waqtigaan la joogo, UNICEF waxaa ay taageereysaa ilaa 239 xarumaha OTP ah iyo
toban iyo afar xarumaha Baxnaaninta ah oo ku yaalla guud ahaan Soomaaliya.
“Maaliyaddan aan helney ayaa ah mid aad muhiim u ah oo innaga caawinaysa
badbaadinta nafaha,” ayaa uu yiri Steven Lauwerier, oo ah Wakiilka UNICEF ee
Soomaaliya. “In kasta oo dhinacyo badan ay wax ka hagaageen, haddana halista
ah in carruurtu ay u dhintaan nafaqo-xumo ayaa weli ah mid aad u sarreysa
qaybo badan oo Soomaaliya ka mid ah. Maaliyaddan ma ahan oo keliya mid
naga caawinaysa wax ka qabashada baahiyaha ugu degdegsan, laakiin waxaa ay
sidoo kale gacan ka geysanysaa hawsha UNICEF iyo tan la-hawlgalayasheenna
ee aan ku dhiseyno adkeysiga qoysaska iyo bulshooyinka ugu nugul.”
Waxqabadka UNICEF ee Biyaha, Fayadhowrka iyo Nadaafadda (WASH) ee dadka
xaaladda degdegga ah iyo colaaddu saameysey, gaar ahaan kuwa ku nool xerooyinka
dadka gudaha ku barokacay ee Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, ayaa sidoo kale
ku xoogeysan doona maaliyaddan la heley. Xirmooyin loogu talogaley nadaafadda oo
ka kooban jiirgaanno, baaldiyada biyaha, saabuun iyo kiniiniyada biyaha lagu nadiifiyo
ayaa la soo iibin doonaa oo laguna sii diyaarin doonaa xarumaha saadka ee gobollada
ee UNICEF – waana tiro ku filan wax ka qabashada baahida 17,000 qoys marka ay
xaalad degdeg ahi timaaddo.
Intaa waxaa dheer, maaliyadda waxaa sidoo kale wax ka heli doona barnaamijka
lacagaha caddaanka ee UNICEF ay bil walba ku siiso qoysaska nugul ee ay hoggaanka
u yihiin haween ama carruur ama ay ka mid yihiin agoomo ama xubno badan oo aan
shaqeyn. Ilaa 2,900 oo qoysaskaas oo kale ah ayaa heli doona lacago kale oo labadii
biloodba mar la bixiyo si gacan looga siiyo daboolidda baahidooda aasaasiga ah iyo si
ay u helaan adeegyada aasaasiga ah xilliga aanu roobku di’in ee ku xiga xilliyada
roobka ee ku beegan dhammaadka sanadka.
Ku saabsan UNICEF
UNICEF waxaa ay Soomaaliya ka shaqeyneysey tan iyo 1972dii markaas oo
xafiiskeedii ugu horreeyey laga furey Muqdisho. Maanta UNICEF waxaa ay dhowr
xafiis ku leedahay guud ahaan dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwa ay ku
leedahay Muqdisho, Baydhabo, Gaalkacyo, Garoowe iyo Hargeysa. UNICEF oo ay
weheliyaan 100 NGO-yo caalami ah iyo kuwa degaanka iyo ururro bulshadu sal u
tahay ayaa bixinaysa adeegyo dhinacyada Caafimaadka, Nafaqada, Biyaha
Fayadhowrka iyo Nadaafadda, Waxbarashada iyo Ilaalinta Carruurta ah,
waxaana ay sidoo kale wax ka qabataa xaaladaha degdegga ah waxaana ay
taageertaa nabad-dhisidda iyo horumarka. Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan
UNICEF iyo hawsha ay ka waddo Soomaaliya, ka eeg oo booqo
www.unicef.org/somalia iyo barta gaarka ah ee UNICEF-EU:
http://www.unicef.org/eu/
Ku saabsan EU Humanitarian Aid and Civil Protection
Midowga Yurub iyo Dalalka Xubnaha ka ah waa deeq-bixiyaha ugu weyn ee
bixiya gargaarka bani’aadamnimada dunida oo dhan. Gargaarka waa qaab
muujinaya sida ay Yurub ugu mideysan tahay wax u qabashada dadka baahan
ee guud ahaan dunida. Waxaa lagu higsanayaa in lagu badbaadiyo nafo, looga
hortago laguna yareeyo silica dadka, iyo in lagu dhowro sharafta dadka ay
saameeyeen aafooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad sameega ah. Guddiga Reer
Yurub waxaa uu hubinayaa in si degdeg ah oo taabogal ah dadka loo gaarsiiyo
gargaarka Midowga Yurub isaga oo sii marinaya labadiisa nooc ee gargaarka ee
ugu waaweyn: oo kala ah gargaarka bani’aadamnimada iyo ilaalinta madaniga.
Guddigu, isaga oo adeegsanaya waaxdiisa Gargaarka Bani’aadamnimada iyo
Ilaalinta Madaniga (ECHO), ayuu sanad kasta caawiyaa 120 milyan oo ah
dhibbanayaal colaado iyo aafooyin la soo gudboonaadeen. Si aad u hesho
macluumaad dheeri ah, fadlan booqo barta internet-ka ee ECHO.
Macluumaad dheeri ah, fadlan kala soo xiriir:
UNICEF Somalia: Susannah Price
+254 722 719867; sprice@unicef.org
UNICEF Brussels: Rebekka Opfermann
+32 2 513 2251; ropfermann@unicef.org
ECHO: Anouk Delafortrie – Sarkaalka Macluumaadka ee Gobolka
+254 20 297 2301(d) +254 722 791 604 (m); Anouk.Delafortrie@echofield.eu

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post