GUDDI XILDHIBAANO , CULIMO AH OO KORMEER INDHO-INDHAY AH KU SOO MARAY DEEGANADA AY SAMAYSAY ABAARTA EE WAQOOYIGA GOBOLKA GABILEY+SAWIRO




Arabsiyoweb-Gabiley – Gudidii Loo Xil Saaray Soo Ururinta Xaqiijo raadinta Abaaraha Ba’an ee ka jira gobolada galbeedka gaar ahaan gobolka gabiley Guddidan oo Dhawaan Badhasaabka gobolka gabiley Magacaabay oo Loo Qaybiyey Laba Qaybood oo ay ku kala qornaayeen Waqooyiga Gobolka gabiley iyo Koonfurta Guddidan Waqooyiga u baxday oo uu Hogaaminayo Xildhibaan Dr Axmed Ayaa Kormeer Dheer oo qaatay laba cisho ku soo maray deeganada Waqooyiga Gabiley kormeerkan oo daahnaa ukuur galka Xaalada nololeed Ee Dadweynaha Degan Waqooyiga Gabiley iyo Sida Ba’an Ee ay U Heshay Abaartan laba jirsatey ee ka jirta galbeedka Somaliland Guddidan U Baxday Waqooyiga Ayaa waxay soo mareeen 20 deegaan oo ay dadka xoolo Dhaqatada ah degaan

Deegaanada ay soo mareen ayaa waxa ka mid ahaa

  1. Bus
  2. Boocda
  3. Botor
  4. Xuunshaley
  5. Dacawaley
  6. Ilma dado
  7. Ilinta Weyn
  8. Ilinta yar
  9. Gogaysada Sare
  10. Gogaysada hoose
  11. Hadhley
  12. Daariman
  13. Fadac
  14. Buqdhada
  15. Ceel Xadi
  16. Macalin Barkhad
  17. Sitiile
  18. Ceelbardaale
  19. Isha Gudban
  20. Qodax
  21. Sahray
Guddidan oo safarkoodu Qaatay muddo Laba cisho aha ayaa soo helay xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta gobolada galbeedka Somaliland oo ay saamaysay abaaro ba’an oo ka jira Gobolkan gabiley ooh ore u ahaan jiray Goob Barwaaqo ah Sanadka ayaan la mid ahay Sanadadii Hore guddidan Oo Wacyi iyo waanaba u soo jeedisay Tuulooyinkay ay soo mareen Kuwaas oo dadweynaha Badankoodu ka cabanayeen Baad iyo Biyo La’aan Baahda oo ka jirta tuulooyinka qaar sidoo kale xoolaha ayaa markay wax ay cunaan waayeen kunool Yihiin wixii iyagu cuni lahaayeen Indhihiinaba waad ku aragtaan sawiran ka muuqda hoos in ay abaar ba’an sanadka ka jirto Dalka Somaliland gaar ahaan Gobolada galbeed Gaar ahaan gobolka gabiley oo ay ka jiraan abaaro laba jirsatey Gudidan loo xilsaaray ukuur galka Xaalada nololeed ee ay dadweynahaasi ku nool yihiin

Markaad aragtaan Xaalada nololeed ee ka jirta waqooyiga Gobolka gabiley ayaad dareemi kartaa Abaarta baahsan ee ka jirta gobolka gabiley Iyada oo Badhasaabka gobolka gabiley Guddidan ula tagi doonaan Miiskana saari doonaan xaalada ay ku soo arkeen 20 Tuule ee ay soo mareeen
Sanadkan ayaa waxa guud ahaaba Gobolka gabiley ku habsatay Abaar ba’an Abaartan oo ku timid Dunuubteeni oo badatay , Musaafiriin Socdaal ah oo lagu baadho Dariiqyada gobolka gabiley haddaba aan ka toobad keeno oo istiqfaarta aan baadsano Ilaahay aan u noqono oo aan gacmaha hoos dhigano in ilaahay nimcadiisa inoo shubo Allaha weyn ee waaxidka aan u noqono
Xildhibaan Dr ahmed iyo Gudiidan uu hogaaminayo oo Goobihii ay soo mareen U Jeediyey wacdi iyo waano sido kale ka waraysanayay Xaalada abaareed iyo saamaynta ay ku leedahay deeganadan  oo Sanadka ay si weyn u samaysay Abaaraha ba’an ee ka jira gobolada galbeedka Somaliland Deeganada ay soo mareen xildhibaan ahmed iyo Guddidu oo Sheegay in ay Xoolihi Sanadka Dhinteen badidoodii Adhiga oo ku yaraaday tuulooyinkan aan soo marnay Sido kale lo’dii ayaa markii la waayey Wax la siiyo Cunadii dadku cuni lahaayeen la siiyaa Waxanay khatar ku noqotay dadkii Xoolaha lahaa Iyada oo aanay jirin Meel Leh Baad ay cunaan Waxanay ka mid tahay Abaaraha Ba’an ee ka jira Gobolka gabiley Una Baahan in Wixii laga Qaban Karo Wax looga Qabto

Sidoo kale deeganka Bus oo ka cabanaya masuuliyiinta gobolka gabiley in ay ilaaween Deegaanki bus oo ay Guddidan ugu Horeyaan Wax masuul ah oo gobolka gabiley noooga imaada Waana na siib daro in marka masuuliyiintu wax doonayaan uu ay imaadaan deeganka Bus Laakiin waxaan leenahay Ha ilaawina Gobolkan gabiley Xaqii ay ku lahayn Gobolka

La Soco Bari Barnaamijka Oo Dhamaystiiran 20Tuulo ee  Socdaalkan U kuurgalka Xaalada Abaareed ee ka jirta Waqooyiga Gobolkan Gabiley Insha allah



BeautyPlus_20150729082423_save
Farxaan Cabdi
Arabsiyoweb
Gabiley Office

BeautyPlus_20150729082401_saveBeautyPlus_20150729082444_saveBeautyPlus_20150729082509_saveBeautyPlus_20150729085042_fastBeautyPlus_20150729085103_fastBeautyPlus_20150729085130_fastBeautyPlus_20150729101321_saveBeautyPlus_20150729101344_saveBeautyPlus_20150729101410_saveBeautyPlus_20150729101428_saveBeautyPlus_20150729101450_saveBeautyPlus_20150729101709_saveBeautyPlus_20150729101746_saveBeautyPlus_20150729103503_saveBeautyPlus_20150729103520_saveBeautyPlus_20150729103536_saveBeautyPlus_20150729103556_saveBeautyPlus_20150729103612_saveBeautyPlus_20150729103629_saveBeautyPlus_20150729103644_saveBeautyPlus_20150729103655_saveBeautyPlus_20150729103713_saveBeautyPlus_20150729103802_saveBeautyPlus_20150729111641_saveBeautyPlus_20150729111655_saveBeautyPlus_20150729111714_saveBeautyPlus_20150729111747_saveBeautyPlus_20150729111800_saveBeautyPlus_20150729111819_saveBeautyPlus_20150729134743_saveBeautyPlus_20150729134808_saveBeautyPlus_20150729134828_saveBeautyPlus_20150729134840_saveBeautyPlus_20150729134856_saveBeautyPlus_20150729134912_saveBeautyPlus_20150729134934_saveBeautyPlus_20150729134948_saveBeautyPlus_20150729135003_saveBeautyPlus_20150729135029_saveBeautyPlus_20150729135043_saveBeautyPlus_20150729135104_saveBeautyPlus_20150729135119_saveBeautyPlus_20150729135257_saveBeautyPlus_20150729135309_saveBeautyPlus_20150729135330_saveBeautyPlus_20150729135347_save

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post