Dagaalada ka socda dalka Yemen ayaa sameyn weyn ku yeeshay nolosha iyo ganacsiga dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Puntland iyo Somaliland.
Marka laga hadlaayo saameynta colaadda Yemen ku yeelatey nolosha Soomaaliya ayaa ah mid aan la soo koobi karin, waxaa xirmay dhamaan wixii Soomaaliya u dhoofin jirtey Yemen, sidoo kale waxaa istaagey alaabaha sida deg-dega ah looga soo dhoofin jirey Yemen.
Ol-olaha la dagaalanka dhuxusha iyo xaalufinta dhirta waxaa qayb weyn ka qaatey Gaaska cunnada lagu karsado ee laga keeni jirey dalka Yemen, kaas oo shirkado badan oo ganacsi ay isticmaali jireen sidoo kale guryo badan ay ka wareegeen dhuxusha oo ay isticmaali jireen Gaaska. Arrintan waxay sababtey in hoos u dhac ku yimaado qiimaha dhuxusha isla markaana uu yaraado suuqyada lagu kala iibsado taas oo guul weyn u ahayd deegaanka.
Sida ay Horseed Media ogaatey albaabo badan oo ganacsi ayaaa xirmey kadib markii ay heli waayeen gaaskii ay cunnada ku karin jireen, waxaana meelaha ugu badan ee ganacsigoodi istaagey ka mid ah Maqaaxiyaha cunnada iyo baararka laga qaxweeyo, magaalooyinka saameynta ugu badan ku dhacdey waxaa kamid ah Bosaso, Garoowe iyo Qardho oo si weyn looga isticmaali jirey Gaaska.
Qiimaha dhucusha ayaa durba kor u kacay, waxaana godintoodi dib u qaatey kuwo badan oo lagu aafeeyey jarida dhirta kuwaas oo u arka in mar kale fursad ganacsi u bilamatey
Gaaska ugubadan ee Puntland yimaada waxa uu ka imaan jirey dalka Yemen oo hadda dagaalo ka holcayaan, marka laga reebo mid kaas ka qaalisan kana tiro yar oo ka imaan jirey dalka Isutagga Imaaraadka Cabarta, gaar ahaan magaalada DUBAI.
Waxaa gebi ahaanba istaagey mashruuc Qaramada Midoobey ay maalgelineysey oo Bosaso looga dhisi lahaa Terminaal Gas kaas oo ay ku xiran yihiin haamo waa weyn oo maraakiibtuna si toos ah u keeni karaan Gaas tiro badan oo keyd geli kara, Mashruucaas waxaa ku baxaayey adduun dhan $5 milyan oo Dollar isla markaana la hoosgeeyey Wasaaradda deegaanka ee Puntland, waxana uu gebi ahaanba istaagey xiligii Madaxweynen Dr Faroole 2013.
Mashruucan ayaa ahaa nooca loo yaqaan Public Private Partnership oo bulshada laga doonaayey in ay ka qaybqaataan, waxaana la doonaayey in laga dhiso magaalada Bosaso oo ah magaalada ugu badan ee isticmaasha Gaaska, waxaana Terminalka la doonaayey awood u yeelan lahaa in uu ahaado keyd looga badbaadi karo dhibaatada ka taagan in la waayey Gaaska, mashruucaas ayaa u baaqdey is-qabqabsi iyo markii ganacsato siyaasadeed ay isku dayeen in uu gacantooda galo.
Marka laga yimaado, Soomaalida dalkooda ku soo noqonaya, qaxootiga yar ee Yamaniyiinta ah, waxaa Puntland la daalaa dhacaysaa qiimaha dagaalka Yemen.
Ugu danbeyntii hadal haynta ugu badan magaalooyinka ganacsiyada qaarkood xirmeen ayaa ganacsatadu ku kaftamayaan ganacsiigeygi wuxuu u istaagey Gaas dartiis taas oo dadka qaarkiis markiiba maskaxdoodu meel kale aadeyso.
Tags
NEWS