Soomaaliya waxay dhacdaa goob istaraatiiji ah oo muhimad weyn ugu fadhida caalamka gaar ahaan marka laga hadlaayo ganacsiga, gaadiidka badda iyo siyaabo kale, waxaa la aaminsan yahay in Soomaaliya ay dhibane u noqotey 25-tii sano ee la soo dhaafey halka ay ku taalo ee Ilaah ku abuuray, waxaa ku hareereysan laba badood oo qani ah Badda Hindiya iyo Badda Cas, ka hor dagaalada sokeeye ee Soomaaliya ka dilaacey 1991, Kheyraadka Baddu waxa uu ahaa waxybaaha Soomaaliya dibadda u dhoofin jirtey dalka gudihiisana si weyn looga isticmaali jirey, waxaana ka mid ahaa waxyaabaha la dhoofin jirey:
- Kaluunka ceeriin
- Kalluunka qasacadeysan
- Kalluunka qallalan
- Dhegaha Libaax badeedka
- Shiribiga
- Aargoostada iyo qaar kale oo badan,
Waxaa dalku lahaa Wershadaha kalluunka ee Laasqoray, Qandala iyo Xaabo, kuwaas oo soo saari jirey kalluun macaan oo aad loo jecel yahay.
Kadib Qaranjabkii Soomaaliya ku dhacay waxay badda Soomaaliya hoy u noqotey, maraakiib shisheeye oo xaalufiyey dhamaan kheyraadkii biyaha Soomaaliya, kuwaas oo harsanayey heshiisyo ay la soo galeen siyaasiyiinta iyo ganacsato Soomaaliyeed, Waxaa taas ka sii daran oo aan ahayn mid qarsoon in lagu duugey sunta iyo wasakhda ka harta Wershadaha dalalka horumarey, taas oo ay fududeeyeen Siyaasiin Soomaaliyeed.
Bartamihi sanadkii 2008 waxay ahayd markii ay si weyn u soo baxdey sheekada Burcad-badeeda Soomaalida, waxayse gun & caar bixiyeen sanadkii 2009 oo ahaa sanadkii ugu weerarka badnaa iyaga oo fuliyey in ka badan 190 weerar. Burcadbadeeda waxaa gacantooda soo galey malaayiin Dollarka Maraykanka ah, dhaqaalahaas oo ay awoodeen in ay ku maalgeliyaan denbiyada ay ka gelayaan badda guudkeeda iyaga oo ugaarsanaya gadiidkasta oo dhaqaaqa, ha ahaado mid ganacsi ama mid dalxiis.
Waxaa si weyn uga qayliyey weerarada Burcad-badeeda Soomaalida dalalka reer Galbeedka, kuwa dhaca bariga fog iyo dalalka carabta. Waxaa cirka isku shareeray qiimaha caymiska gaadiidka badda mara, waxaa kor u kacay qiimaha alaabaha dalalka isaga goosha, waxaana khatar badan galey shirkado waaweyn oo ka shaqeeya dhoofinta iyo soo dejinta.
Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, ururada kale dhamaan waxaa la isku raacey in laga hortago Burcadbadeeda Soomaalida, waxayna taasi kaliftey, in dhaqaalihii ku baxaayey Burcadbadeeda Soomaalida iyo ka hortageeda uu sii laba jibaarmo dhibaatada dhaqaale ee markaas dunida ka taagneyd iyada oo laga soo baxay dhaqaale bur-burkii dhacay dhamadkii 2008.
Waxaa la isku raacsan yahay in Burcadbadeedu aysan wax qiil ah u lahayn falalkooda oo uu yahay denbi xaaraam ah, ka hor imaanaya qiimaha dhaqanka Soomaaliyeed, xaaraam ku ah shareecada Islaamka isla markaasna meel ka dhac ku ah sharafta bini’aadanimada, waxaase isweydiin mudan sababta ku xanbaaretey dhalinyaro yaryar in ay khatar weyn u galaan in ay afduubtaan maraakiib ganacsi, shaqaalaha iyo xamuulkana ka qaadaan madax-furasho, halka mararka qaarkood ay soo qabsan jireen kuwo badda dusheeda dalxiis ku maraaya.
Burcadbadeedu waxay ku doodaan in ay ahaayeen kalluumeysato markoodi hore, kuwaas oo dhibaato xoogleh ka soo gaartey maraakiib iyo Doomaha dhacaya oo xadaya Kalluunkii ku jirey Biyaha Soomaaliya, shabaagaha ay dhigtaan ka jiita, jariif ba’an ku haya badda oo qaadayaan xitaa ugaxda, waxayna taasi keentay in ay badda banaanka uga baxaan kana gaajoodaan kheyraadkii dhulkooda, ma jiro qiil u baneynaya in denbi ku gudaan denbi kale, waxaase la hubaa mudmuddadii uu taagnaa calanka burcad-badeedu in Kalluuemysiga sharci darrada ah hoos u dhacay, maadaama burcadbadeedu ay la soo baxeen tab iyo xeelado la yaableh oo Markabkasta ay dushiisa u boodayaan iyaga oo hubeysan, maraakiibtii Kalluunka sharci darada ah u soo doonan jirey Soomaaliya waxay noqdeen kuwo isaga baxa biyaha Soomaaliya, waxaana cirka isku shareeray qiimaha kaluunka loo yaqaan Tuna qaaradda Yurub sanadihii 2009 -2012.
Sidoo kale Burcadbadeedii Soomaalidu waxay indhaha caalamka ku soo jeedisey in hubaal ay tahay oo Kheyraadka biyaha Soomaaliya si weyn loo dhaco. hay’adda The UK’s Department for International Development waxay sheegtaa in sanadihii 2003 -2004 Soomaaliya ay ku weydey $100 milyan oo dollar oo faa’iido ah oo ka so geli lahayd kalluunka loo yaqaan Tuna iyo Shirmbi oo laga xadey badaha Soomaaliya. Cilmi baaris kale ayaa sheegaysa in ay intaa ka badan tahay oo ay gaareyso $300 oo milyan.
Ka hortaga Burcadbadeeda waxaa dalalka reer galbeedka iyo kuwa bariga fog uga baxay Balaayin Dollarka Maraykanka ah waxaase la dhihi karaa maraakiibta Dagaalka ee EUNAVFOR maaheyn sababta Burcadbadeedu u joogsatey, waxaa jira diidmo xooggan oo ka timid Bulshada Soomaaliyeed, qofkii burcadbadeed loo garto waxa uu noqdey mid la takooro, xoolihiisa aan la cunin, guur haddii uu soo doonto gabadhaha aan loo oggolaan, sadaqad aan laga qaadin, waxyna ku kalifety kuwo badan oo ka badbaadey xarig iyo in la qabto in ay ku adkaatey in ay ku dhex-noolaan bulshada.
QOF BAY LA WANAAGSANEYD
Kalluumeysato badan oo Soomaali ah ayaa aaminsan in xilligii Burcadbadeedu jirtey ay ku filneyd in ay shabaagahooda dhigtaan xeebta iyo meelo aan ka fogeyn, maadaama ay naftooda uga cabsan jireen in loo maleeyo Burcadbadeed, Waxay sheegaan in Kaluunku uu ahaa mid gacmaha lagu qaban karo oo ay ku filneyd biyaha xeebta ku dhaw, qimaha suuqayada ayaa ahaa kuwo qofkastaa gadan karo.
Maxamed oo ka mid ah Kalluumeysatada Bosaaso waxa uu ku doodayaa in burburkii ku yimid Burcadbadeeda uu dib u soo nooleysiyey xaalufinta biyaha Soomaaliya, taasna laga dareemi karo suuqyada Kalluunka Bosaso oo maanta magaalada cunidda hilibka Geelu uu ka badan yahay cunidda Kalluunka.
Subaxdii ayaan badda galnaa, waxaan gaarnaa meelo aad u fog mararka qaarkood, 10 saac kadib waxaan la soo noqonaa gacmo maran ma hayno kalluunkii lagu yaqaaney Badda Soomaaliya ayuu yiri… xagee kalluunkii aadey ayuu is weydiiyey Maxamed.
HESHIISYADA MAAMULADA
Waxaa taas garab socda heshiisyada maamulada Soomaaliya ay la galaan shirkadaha shisheeyey ee kalluumeysiga ka shaqeeya, heshiisyadaas oo aan ahayn kuwo dalka gudihiisa lagu galay ama qolooyinka sharci dejintu wax ka og yihiin, qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo ganacsatada Puntland ee ku xiran madaxtooyada ayaa heshiisyo qarsoodi ah kula jira maraakiib laga lee yahay dalalka IRAN, Yemen iyo weliba qaar kamid ah dalalka ku yaala Bariga fog iyo Yurubta Koonfureed, Waxaana heshiisyada qaarkood soo socdeen ka hor iyo kadib asaaskii Puntland.
Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas ayaa bishii June 2014 ku dhawaaqey in ay u aqoonsaden Kalluumeysiga sharcidarada ah ‘Musiibo Qaran’ inkasta oo labo heshiis oo Puntland la gashey Jabuuti iyo Yemen Puntland ay dhaceen kadib markii Puntland u aqoonsatey Musiibo Qaran, in badan oo kamid ah shacabka Puntland ayaa aaminsan in heshiisyadaas yihiin kuwo dalalka lala galey keliya faa’ido u leh, marka la eego Kallumeeysatada Yemen oo horey u soo liqey baddoodi in loo oggolaado kaluumeysiga Badda Soomaaliya ee Puntland qaybta ka maamusho.
SARE U KACA QIIMAHA KALLUUNKA
Suuqyada waaweyn ee Kalluunka ee guud ahaan Soomaaliya ayaa la daalaa dhacaya Kalluunka oo ku yar iyo qiimihiisa oo sareeya, tusaale ahaan Somaliland waxaa ka dhacdey in mararka qaarkood diyaarad lagu geeyo kalluunka iyada oo laga qaadayo Muqdisho, Jabuuti iyo weliba Yemen.
Magaalada dekadda ah ee Bosaaso ayaa si weyn looga cunaa hilibka ariga iyo geela waxaana aad u yar cunitaanka Kalluunka ama Malayga, Maxamed oo ka mid ah kalluumeysatada Bosaaso ayaa sheegya in sababta u weyn ay tahay kalluunkii oo la waayey, dadkuna waaba isaga qanceen in Kalluunkii la waayey, “Wax la waayey Geellow ruuxii waalan baw duda” Maya Kalluunka lama waayin ee waa la xadayaa, kuwa dhacayna waxaa ku daaban siyaasiyiin iyo ganacsato Soomaaliyeed.
– Kaluumeysata oo nidaamkooda uu yahay mid ay iska dhaxleen.
– Qalabkooda oo ah mid hadda aad dunidaba laga isticmaalin.
– Kalluunka sharci darada ah oo awood iyo dhaqaale haysta.
– Qalabkooda oo ah mid hadda aad dunidaba laga isticmaalin.
– Kalluunka sharci darada ah oo awood iyo dhaqaale haysta.
Sida Madaxweynaha Puntland sheegay kalluumeysiga sharci darada ku dhisan waa Musiibo Qaran, waxaanse muhim ah in la is waafajiyo go’aankaas “MUSIIBO QARAN”, iyo Doomaha IRAN iyo Yemen iyo weliba Bariga fog ee siyaasiyiinta & ganacsatadu ay soo gasheen badda Soomaaliya, ugu danbeyntii waxaa la isweydiinayaa Waa maxay dhaxalka looga tegi doono caruurta Soomaaliyeed iyo mustaqbalka soo socda?.
Fikirka aad ka qabto kalluunka sida aan sharciga ahayn looga kalluumeysanayo badaha Soomaaliya, aan ku maqalno Qaybta Comments-ka ama aragtida akhrisataha
source horseed media
Tags
ARIMAHA BULSHADA