Warsaxaafadeed dhalinyarada ee gobolka Gabiley



Waxaanu canbaaraynaynaa, falxumadii ka dhacday golaha-wakiilada, iyo af-gambigii lugula kacay gudoomiye M. cabdilaahi Ciro. Boob baaxad-weyn ayaa lagu hayaa, hantidii qaranka. Dawladuna waxa ay wada-shaqayn dhow la leedahay, kooxo ganacsato ah oo, si dhiigmiirasho ah u rabta lacag, iyo faa’ido degdeg ah.
Arinkani waxa uu waxyeelo u keeni karaa, hamigii shacabka Somaliland. Iyada oon laga fiirsan in si fudud loo dhaxal wareejiyo, haamaha-keydka shidaalka ee Berbera.
Xukuumadu waxa ay ku galaysaa, buuga taariikhda, hanti-bookii xoolaha umada. Iyo in ay hantigoosoto ka raacdo, shacabkii xalaasha ahaa. Waxa aynu ognhay sida loo xaraashay, warshadii laydhka, tii sibidhka, qandaraasyadii madaarada iwm.


Kastamkii Gobolkan gabiilay isna wax aka socda, boob, iyo lunsi cashuurihii, jeeb gaar ah lagu shubanayo. Dadkii reer gabilayna aaan waxba loogu qaban. Tani waxa cadaynaya, sida horumarkii Gobolku uu gaabiska u yahay. Dhinaca adeegyada bulshada.
Gabiley waxa ay ka mid tahay, goobaha u waxsoosaarka badan, geeska afrika, hadana, marka la dhisayo, dhakhtar, ama xarun waxbarasho, waxa looga soo qaadhaama qurbaha. Maxay ku dhacday? Sieey ku dhacday, in maaliyad intaa leeg ay ugfa lunto gobolka. Shacabku ha toosaan, waxa la soo gaadhay xiligi, la dhiidhiyi-lahaa, ficilada dawlada Siilaanyo.
Nasiib-daro wax ah in madaxdii gobolka-gabiley ka soo jeeday, oo ka seexday xilkoodii. Dhalinyarad gobolka gabiley, waa in ay si degdeg ah ugu guntadaan, sidii aynu aayaheena uga tashan lahyn. Dawladan fadhiidka ahi, maalinta, ay khalkhasho ayey taageerada Gabiley u soo doonataa.
Reer Berbera sida ay u ilaashadaan, hantidooda, aynu wax ka barano. Guiyo, adag oon la inoo soo dhaafin waa in aynu abuurnaa.

Alaa Mahad leh

faarah ibrahim nuur
afhayeenka dhalinyarta g. gabiley

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post