XISBIGA CADAALADA IYO DarYEELKA AYAA MAANTA UQAYBIYAY SAKO JEELKA DHEXE EE GABILAY IYO QOYS DANYARA OO WALIBA WADA CURYAAMIINA


 





Xisbiga cadaalada iyo daryeelka EE UCID ayaa maanta Xoolo Gaadhaya 20 neef oo Adi ah u qaybiyay jeelka Dhexe ee gabilay iyo Qoys dan yara oo walinba Dhibaataysan kaasoo Kunool dagmada Gabilay ee Gobolka gabilay,Munaasibadan ay ku qaybinayeen Xoolaha ayaa waxa kasoo qayb galay,Gudoomiyahay gobolka ee xisbiga Ucid ee Gobolka gabilay,Xidhiidhiyahay laamaha Dibada ee Xisbiga ucid,xoghayaha khayraadka ee Norway,Masuuliyiin kaloo aad u tiro badan,waxaana ugu horayn halkaa ja ahadlay gudoomiyaha gobolka Gabilay ee Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka Ibraahim singal waxaana hadaladiisii kamid ahaa Maanta waxaanu halkan ku bixindoonaa hadii ale yidhaahdo xoolihii aanu awalba xilgan oo kale uu bixin jiray xisbiga Cadaalada iyo daryeelku Kuwaasoo aanu ugu talo galnay inaanu siino jeelka dhexe iyo qoys danyara oo kamida bulshada Gabilay ku dhaqan,waxa kaloo uu fariin ay ku dheehnayd cadho hawada Umariyay badhasaabka gobolka gabilay,oo uu ku tilmaamay mid aan kaba soo xaadirin xafiiskiisa isagoo Ku adkeeyay in Indhihiisoo Shana la qaban doono xuskii dhalin yaradii gobolka ka geeriyootay ee uu Amarkooda bixiyay waa siduu hadalka u dhigayee,isagoo 5ta dagmo ee gobolkaba ugu baaqay inay udiyaar garoobaan 170ctoober oo ku beegan maalintii ay geeriyoodeen dhalintaasi,waxa kaloo soo afmeeray Xoghayaha khayraadka ee norway,waxaana kamid ahaa hadaladiisii maanta oo aynu joogno maalintii ugu dambaysay ramadaan waxaanu halkan ujoognaa sidii aanu Uqaybin lahayn  sakadsii Uu xisbiga cadaalada iyo daryeelku Awalba bixin jiray iyadoo lixda gobolba laga bixiyay isla maanta,waxaananu u qaybinaynaa 15neef oo adhiya oo aanu ugu talo galnay jeelka dhexe ee gabilay,iyo 5neef oo aanu ugu talo galnay qoys danyara oo ku tabaalaysan gudaha magaalada gabilay,Isagoo ilaahay uga baryay inuu farash khayr qaba ufuro unasoo jeediyay xukuumada talada dalka haysa inay uraadiso Qoyskan masaakiinta ah sidii ay u heli lahaayeen daryeel cafimaaad,

Wariye muuse xuseen xasan




Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post